Madaxweynaha Jubbaland oo ku baaqay in loo midoobo dagaalka Al-Shabaab

Date:

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in musiibadii dhawaan ka dhacday Isgooyska Zoobe ee magaalada Muqdisho ay maalin walba soo noq-noqon doonto hadaan la cirib tirin Al-Shabaab.

Mudane Axmed Madoobe wuxuu xusay in ay jirto hal wado oo maanta u furan hogaanka Soomaaliya oo ah in loo midoobo sidii Al-Shabaab loola dagaalami lahaa.

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in hadii Siyaasada lagu kala aragti duwanaado aysan marnaba macquul ahayn in mustaqbalka laga quusto oo meel la iska dhigo dagaalka cadawgu uu umada ku hayo.

Dhamaan shacabka Soomaalida ayuu Madaxweynaha Jubbaland ku booriyay in ay iska kaashadaan sidii Al-Shabaab dalka looga saari lahaa oo bulshada ay ku baraarujiyaan khatarta Al-Shabaab ay dalkan la damacsan yihiin.

“Maalin walba ma dhaafi doono in aan maydka u tacsiyayno dhaawacana aan dawaysano oo aan xaaqno halkii shacabkeena lagu dhameeyay hadaynaan Argagixisada dagaal dhab ah ku qaadin” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Bulshada ayuu ku booriyay in ay ogaadan in cadawgu uu iyaga beegsanayo oo aysan rabin Dowlad iyo dadka u shaqeeya oo kaliyah, taas badalkeedana looga baahan yahay in shacabku ay ciidamada garab istaagan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

SoDMA oo gargaar raashin ah u qaybisay 2,000 oo qoys oo ku sugan Baardheere

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, ayaa degmada Baardheere...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qeyb galay shir madaxeedka Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee BFS oo lagu dhaariyay Wasiirka cusub ee Warfaafinta

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Caafimaadka oo Gaaray Magaalada Jowhar

Wafdi ballaaran oo ka socda Wasaaradaha Caafimaadka ee Dowladda...