Madaxweynaha Jubbaland oo ku baaqay in loo midoobo dagaalka Al-Shabaab

Date:

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in musiibadii dhawaan ka dhacday Isgooyska Zoobe ee magaalada Muqdisho ay maalin walba soo noq-noqon doonto hadaan la cirib tirin Al-Shabaab.

Mudane Axmed Madoobe wuxuu xusay in ay jirto hal wado oo maanta u furan hogaanka Soomaaliya oo ah in loo midoobo sidii Al-Shabaab loola dagaalami lahaa.

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in hadii Siyaasada lagu kala aragti duwanaado aysan marnaba macquul ahayn in mustaqbalka laga quusto oo meel la iska dhigo dagaalka cadawgu uu umada ku hayo.

Dhamaan shacabka Soomaalida ayuu Madaxweynaha Jubbaland ku booriyay in ay iska kaashadaan sidii Al-Shabaab dalka looga saari lahaa oo bulshada ay ku baraarujiyaan khatarta Al-Shabaab ay dalkan la damacsan yihiin.

“Maalin walba ma dhaafi doono in aan maydka u tacsiyayno dhaawacana aan dawaysano oo aan xaaqno halkii shacabkeena lagu dhameeyay hadaynaan Argagixisada dagaal dhab ah ku qaadin” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Bulshada ayuu ku booriyay in ay ogaadan in cadawgu uu iyaga beegsanayo oo aysan rabin Dowlad iyo dadka u shaqeeya oo kaliyah, taas badalkeedana looga baahan yahay in shacabku ay ciidamada garab istaagan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo hay’adaha ku shaqada leh u gudbiyey in ay soo buuxiyaan kursiga Hop#201

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Maareeyaha SODMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray jalalaqsi

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle iyo...

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo jab xooggan gaarsiiyey khawaarijta

Ciidamada Qaranka iyo Geesiyaasha dadka deegaanka ayaa saaka mar...

Xubno ka socda Golaha Warbaahinta oo soo dhaweyn sare loogu sameeyay magaalada Dhuusamareeb

Dhuusamareeb, Maarso 15, 2025- Xubno ka socda Gowlaha Warbaahinta...