Kulan loogu ducaynayay dadkii ku waxyeeloobay qarixii Soobe oo Muqdisho ka dhacay

Date:

Muqdisho(SONNA) Kulankani oo loogu ducaynayaya alla ha u naxriistee dadkii ku dhintay qarixii 14kii bishan ka dhacay Isgoyska Soobe iyo kuwii ku dhaawacmay ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho,waxaana ka qeybgalay xubno ka kala tirsan Golayaasha baarlamaank aiyo Xukuumadda Soomaaliya,qaar kamid ah shaqaalaha Dowladda iyo aqonyahano.

Sheekh Cali Maxamuud Sheekh Cali dheere oo ah agaasimaha waaxda arrimaha diinta ee wasaaradda diinta iyo arrimaha Awqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sharaxaad ka bixiyay wax diinta islaamku ay ka qabtay in la daadiyo dhiiga muslimiinta wuxuuna sheegay in dadkii falkaasi ka dambeeyey uu illaahay kula xisaabtamidoono dadka dhintayna ay shuhaddo yihiin.

Xasan Abshirow Maxamed  oo ah guddoomiyaha guddiga shaqaalaha Rayidka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqey Dowladda Soomaaliya in ay daryeel siiso agoontii ay ka tageen dadkii qaraxaasi ku dhintay.

Jamaal Xasan Cusmaan Wasiir kuxigeenka Howlaha guud,wasiirka kuxigeenka ganacsiga iyo warshadaha Axmed Diiriye Khaliif  iyo Wasiirka wasaraadda ganacsiga oo halkaasi ka hadlay ayaa dhamaantooda eebe uga baryaya in janadii fardowsa uu ka waraabiyo uguna baaqey shacabka Soomaaliyeed in ay u midoobaan sidii cadowga lka isga dhicin lahaa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan ku saabsan u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Aqalka sare oo Ansixiyay sharciga daawada iyo agabka caafimaadka.

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay qaar ka mid ah hoggaanka Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta...

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeedayaa kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...