Todobaad ka dib Isticmaalka Waddada Soobe oo dib loo furey

Date:

Muqdisho(SONNA) Waxaa saaka dib u bilowday isu socodka dadka iyo Gadiidka ee Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho oo muhiim u ah gaadiidka isaga kala goosha Muqdisho iyo Afgooye iyo degmooyinka dhaca dhanka Koonfureed ee Muqdisho,  halkaasi oo 14-kii bishan ka dhacday musiibo Qaran oo ay ku nafwaayeen in kabadan  saddex boqol halka tiro intaa ka badan ay ku dhaawacmeen.

Waxaa socda howlo isugu jira dib u dhis iyo dayactir oo lagu sameynayo wadada laamiga ah  iyo hareeraha dhismayaashii ku bur buray qaraxa, waxaana saaka la arkayay boqolaal qof iyo gaadiid isticmaalayay Jidkaasi.

Shucuurta dadka waddada isticmalayay ayaa ka duwaanayd sidii hore,iyadoo dadku ay shegeen in dhibaato walibo oo ay kooxda Nabad diidka ay ka geestaan goobaha ay ku badanyihiin shacabka ay u midboobi doonaan sidii meel looga so wada jeesan lahaa dhagarta ay ku hayaan shacabka.

Dadweynaha ayaa si aad ah uu soo dhaweeyay in markale waddada ugu saxmadda badan ee Soobe dib uu sonoqotay isla maarkana uu dib u furmo shaqadi halkas ka socota

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Soomaaliya oo Ka Qayb gashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Hindiya iyo Carabta

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir kula qaatay magaalada Jigjiga Madaxda Gobolka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Jigjiga

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu soo...