Madaxweynaha Maamaulka Hirshabeelle oo ku baaqay in loo Midoobo dagaalka ka dhan Argagixisada Al-Shabaab

Date:

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Maamulka Hirshabeele ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay meel kaga soo wada jeestaan gumaadka nabad diidka ah ee Al shabaab ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Mudane Waare oo la hadlayay Barlamaanka Maamulka hirshabeele ayaa sheegay in nabad diidka  Al shabaab ay ka go,an tahay gumaadka iyo bur burinta Shacabka Soomaaliyeed taasina ay daliil u tahay Qaraxii dhawaan ka dhacay Isgoyska soobe kaasoo ay u dhinteen dad Shacab ah.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in haddii ay iskaashadaan Dowladda Federaalka ah iyo Shacabka laga hortagi karo waxkasta iyo falkasta oo ay doonayaan Maleeshiyaadka nabad diidika ah ee Al shabaab ay ku dhibaataynayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Hadalka madaxweyne Waare ayaa ku soo aadaya iyadoo 14-kii bishan magaalada Muqdisho uu ka dhacay Qarax xoogan oo Al-Shabaab ay ku laayeen dad shacab ah kuna bur buriyeen hantiyo fara badan oo ay lahaayeen Shacab Soomaaliyeed.

Maamul Goboleedyada dalka ayaa isku wada raacay in meel looga soo wada jeesto Kooxda Nabad diidka Al-Shabaab gumaadka ay ku hayaan Shacabka aan waxba galabsan ee mar waliba Qaraxyada ay ku dhameynayaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan oo shir kaga qaybgalaya Switzerland

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali...

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Hay’adaha Amniga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen....

DFS oo ka qeyb gashay kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Afrika ay la yeesheen Madaxweynaha K/Koonfureed

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), oo kaashanaysa Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka...