Madaxweynaha Maamaulka Hirshabeelle oo ku baaqay in loo Midoobo dagaalka ka dhan Argagixisada Al-Shabaab

Date:

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Maamulka Hirshabeele ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay meel kaga soo wada jeestaan gumaadka nabad diidka ah ee Al shabaab ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Mudane Waare oo la hadlayay Barlamaanka Maamulka hirshabeele ayaa sheegay in nabad diidka  Al shabaab ay ka go,an tahay gumaadka iyo bur burinta Shacabka Soomaaliyeed taasina ay daliil u tahay Qaraxii dhawaan ka dhacay Isgoyska soobe kaasoo ay u dhinteen dad Shacab ah.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in haddii ay iskaashadaan Dowladda Federaalka ah iyo Shacabka laga hortagi karo waxkasta iyo falkasta oo ay doonayaan Maleeshiyaadka nabad diidika ah ee Al shabaab ay ku dhibaataynayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Hadalka madaxweyne Waare ayaa ku soo aadaya iyadoo 14-kii bishan magaalada Muqdisho uu ka dhacay Qarax xoogan oo Al-Shabaab ay ku laayeen dad shacab ah kuna bur buriyeen hantiyo fara badan oo ay lahaayeen Shacab Soomaaliyeed.

Maamul Goboleedyada dalka ayaa isku wada raacay in meel looga soo wada jeesto Kooxda Nabad diidka Al-Shabaab gumaadka ay ku hayaan Shacabka aan waxba galabsan ee mar waliba Qaraxyada ay ku dhameynayaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc lagu xoojinayo ka Jawaabidda masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax-dhigay dhismaha laamiga degmada Wadajir

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo Khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee la dagaallanka Gaajada

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

Madaxwayne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleema saarka madaxweynaha Tanzania

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...