Guddiga Gurmad Qaran oo baaq u diray maamul goboleedyada dalka

Date:

Guddiga Gurmad Qaran ee Qaraxii Zoobe oo Warbaahinta kula hadlay xarunta Guddigaasi, ayaa ugu baaqay dhammaan Ummadda Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan Gurmadka loo fidinayo dadkii ku waxyeelloobay Musiibaddii KM5 ee Magaaladda Muqdisho.

Guddoomiyaha Guddiga Qaran ee Gurmadka, ayaa sheegay in dadka musiibada ay soo gaartay ay u baahan yihiin gargaar aad u ballaaran, isagoo si gaar ah baaq ugu diray Dowlad goboleedyada dalka ka jira oo ah  inay qeyb lixaad leh ay ka qaataan gurmadka.

Guddoomiyaha, ayaa sidoo kale sheegay in meel wanaagsan ay mareyso howlaha gurmadka ah, waxaana uu u mahad celiyey dhammaan dadkii Caawinaada ka qeyb qaatay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Saaxiibtinimada ee Soomaaliya iyo Turkiga oo kulan la yeeshay Guddoomiyaha Baarlamaanka Turkiga 

Guddiga Saaxiibtinimada ee Baarlamaanada dowladdaha Soomaaliya iyo Turkiga oo...

Somalia’s New Ambassador to the EU Presents Credentials

Dr. Ambassador Khadija Osoble Ali proudly presented her credentials...

Guddoomiyaha SoDMA oo soo xiray shir lagu soo bandhigay mashaariicda maaraynta musiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka, Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa...