Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo kulan mahadcelin ah la qaatay wafdigii ka socday Jabuuti

Date:

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Mahdi Guuleed Maxamed (Khadar) ayaa maanta kulan mahadcelin ah la qaatay wafdigii ka socday dowladda Jabuuti ee ka qeyb qaatay u gurmashada dadkii waxyeelada ay ka soo gaartay qaraxii 14-kii bishan ka dhacay Isgoyska Zoobe km5 ee magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa mid is xogwareysi iyo mahadcelin uu Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka u jeedinayay Wafdiga uu hogaaminayay Wasiirka Caafimaadka ee Jamhuriyada Jabuuti Mudane Jaamac Cilmi Cokane oo ay ku jireen dhaqaatiir, kuwaasi oo ka qeyb qaatay inay baxnaaniyaan dhaawacyadii qaraxii Muqdisho.

Wasiirka Caafimaadka ee Jamhuriyada Jabuuti Mudane Jaamac Cilmi Cokane ayaa sheegay in isaga iyo dhaqaatiirta la socotay ay u yimaadeen inay baxnaaniyaan dhaawacyadii qaraxii ka dhacay Muqdisho, isla markaana ay markasta garab taaganyihiin Walaalood Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Mahdi Guuleed Maxamed (Khadar) ayaa uga mahadceliyay wafdiga ka socday Jabuuti ee 16-kii bishan soo gaaray Muqdisho, ee isugu jiray dhaqaatiir iyo dawooyin ay ugu talagaleen dadkii ku dhaawacmay qaraxii Zoobe, kaalintii ay ka qaateen wax u qabashada Walaalahood, isagoo xusay in Walaalaha reer Jabuuti ay ku weynyihiin qaluubta shacabka Soomaaliyeed oo aan markasta iloobi karin sida ay u garab taaganyihiin.

Kulanka waxaa kaloo goob joog ka ahaa Safiirka Dowladda Jabuuti ee Soomaaliya, Xildhibaan Mahad Salaad, Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga Maxamed Cali Xagaa, Agaasimaha Isbitaalka Madiina ee magaalada MuqdishoDr Maxamed Yuusuf  iyo mas’uuliyiin kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha Switzerland oo Warqadaha Aqoonsiga ka Guddoontay Safiirka Soomaaliya

Madaxweynaha Switzerland Marwo Karin Keller-Sutter oo Warqadaha Aqoonsiga ka...

Hay’adda SoDMA oo gargaar gaarsiisay Qoysas danyar ah oo ku suugan duleedka Guriceel

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), ayaa gargaar raashin...

R/W Xamse “Tallaabo ayaa laga qaadi doonaa cid kasta oo dhib u gaysata haweenka Soomaaliyeed”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka cadaaladda XFS oo qaabbilay 𝐒𝐚𝐟𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐰𝐞𝐝𝐞𝐧 𝐮 𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐲𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 XFS 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐗𝐚𝐬𝐚𝐧...