Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo kulan mahadcelin ah la qaatay wafdigii ka socday Jabuuti

Date:

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Mahdi Guuleed Maxamed (Khadar) ayaa maanta kulan mahadcelin ah la qaatay wafdigii ka socday dowladda Jabuuti ee ka qeyb qaatay u gurmashada dadkii waxyeelada ay ka soo gaartay qaraxii 14-kii bishan ka dhacay Isgoyska Zoobe km5 ee magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa mid is xogwareysi iyo mahadcelin uu Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka u jeedinayay Wafdiga uu hogaaminayay Wasiirka Caafimaadka ee Jamhuriyada Jabuuti Mudane Jaamac Cilmi Cokane oo ay ku jireen dhaqaatiir, kuwaasi oo ka qeyb qaatay inay baxnaaniyaan dhaawacyadii qaraxii Muqdisho.

Wasiirka Caafimaadka ee Jamhuriyada Jabuuti Mudane Jaamac Cilmi Cokane ayaa sheegay in isaga iyo dhaqaatiirta la socotay ay u yimaadeen inay baxnaaniyaan dhaawacyadii qaraxii ka dhacay Muqdisho, isla markaana ay markasta garab taaganyihiin Walaalood Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Mahdi Guuleed Maxamed (Khadar) ayaa uga mahadceliyay wafdiga ka socday Jabuuti ee 16-kii bishan soo gaaray Muqdisho, ee isugu jiray dhaqaatiir iyo dawooyin ay ugu talagaleen dadkii ku dhaawacmay qaraxii Zoobe, kaalintii ay ka qaateen wax u qabashada Walaalahood, isagoo xusay in Walaalaha reer Jabuuti ay ku weynyihiin qaluubta shacabka Soomaaliyeed oo aan markasta iloobi karin sida ay u garab taaganyihiin.

Kulanka waxaa kaloo goob joog ka ahaa Safiirka Dowladda Jabuuti ee Soomaaliya, Xildhibaan Mahad Salaad, Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga Maxamed Cali Xagaa, Agaasimaha Isbitaalka Madiina ee magaalada MuqdishoDr Maxamed Yuusuf  iyo mas’uuliyiin kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wafdi ka kooban labada Aqal ee BFS Kana qayb galaya Shirweynaha 2-aad Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika

Wafdi ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Ayaa Maanta Kormeer Ku Tagay Xaruntii Dhexe ee Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS xildhibaan Cali Yuusuf Cali...