Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Xarunta ka hortaga Musiibooyinka dhowaan la furi doono “Sawirro”

Date:

Muqdisho (SONNA) Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Marwo Maryan Qaasim, ayaa sheegtay in wasaaradda dhowaan ay furi doonto Xarun cusub oo looga hortagayo Masiibooyinka qaran oo  lamid ah  Qaraxii Zoobe KM5 ee Magaaladda MMuqdisho ka dhacay.

 
Marwo Maryan Qaasim, ayaa sheegtay in Xarunta Qorshahu yahay in la furo ay ka shaqeyn doonto siddii looga hortagi lahaa Musiibooyinka qaran, islamarkaan qorshe looga yeelan lahaa ka hor tagooda iyo haddii ay dhacaan in la helo ka jawaabis deg deg ah.

 

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Marwo Maryan Qaasim, ayaa sidoo kale u mahad celisay dadka gacanta weyn ka geystay gargaarka dadkii ku waxyeeloobay qaraxii Zoobe ee Magaaladda Muqdisho ka dhacay, iyaddo sheegtay in Ummadda Soomaaliyeed haddii ay isku gargaaaraan inay isku filan yihiin.

 
Ugu dambeyn Marwo Maryan Qaasim, ayaa si gaar ah ugu mahad celisay Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, waxaana ay sheegtay in kaalin weyn ay ka qaateen Gurmadka loo fidinayo Dadkii waxyeelada ay kasoo gaartay qaraxii Zoobe.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Qaranka oo 29 Khawaarij ah ku dileen howlgal ay ka fuliyeen Shabeellaha Dhexe.

Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa xalay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo si diirran loogu soo dhaweeyay Dhuusamareeb.

Dhuusamareeb, Khamiis, 01 Janaayo 2026: —Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Wasaaradda Awqaafta XFS oo farriin u dirtay Imaamyada Masaajidyada.

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

HSJ Soomaaliya oo dib u dhigtay hirgelinta sharciga Kaarka Aqoonsiga ee Safarka Gudaha.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay...