muqdisho soo gaartayDeeq dawo ah oo Puntland ugu talagashay dhaawacyada

Date:

Iyadoo weli ay soconayaan howlaha loogu gurmanayo dadkii ku waxyeeloobay qarixii ka dhacay Isgoyska Soobe ayaa Dowlad Goboleedka Puntland waxaa uu ka qeyb qaadanayaa howlahaasi samafalka ah.

Diyaarad sidda daawo uu soo dhiibay maamulka Puntland ayaa ka soo degtay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho,waxaana loogu talagalay daawadaasi in lagu baxnaaniyo dadka ay mashaqadu saameysay.

Waxaa garoonka ku soo dhaweeyey wefdi dhaqaatiir ah o dawooyinkasi la socday,Guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee Golaha SHacabka Mahad Cabdalla Cawad,iyo mas’uuliyiin kale oo katirsan Dowladda Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalak Soomaaliya ayaa uga mahad naqay Dowlad Goboleedka Puntland sida ay uga qeyb qaadanayso ka maamul ahaan howlaha gurmadka ah iyo sidoo kale maamulada kale ee Dalka kajira.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo wadahadal la yeeshay Safiirka Turkiye ee Soomaaliya

Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka...

Wafdi Gaanacsato Shiine ah oo soo gaaray Muqdisho(SAWIRO)

Wafdi ganacsi oo Shiinaha ka socda ayaa maanta soo...

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo soo dhaweysay Ku-xigeenka Danjiraha Safaaradda Mareykanka ee dalka Soomaaliya

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil...

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...