Gobolada Dalka oo ka socoda banaan baxyo ka dhan ah Shabaab

Date:

Dibadbax aad u ballaaran oo looga soo horjeedo qaraxi Soobe iyo falalka arxan darrada ah ee maleeshiyaadka Shabaab ayaa maanta ka dhacay magaalada Baydhabo.

Wariyaheena nooga soo warama Baydhabo Siraaji Sheekh Isxaaq ayaa soo sheegaya in dibadbaxan ay ka qeybqaateen Kumanan dadweyne ah kuwaasoo socod kusoo maray wadooyinka waaweyn ee magaaladaasi, waxeyna ku qeylinayeen ereyo ka dhan ah maleeshiyaadka Shabaab    .

Dibad Baxayaasha ayaa sheegay in xiligan la joogo wakhtigii loo midoobi lahaa la dagaalanka Al shabaab,waxaana Dhaliyarada Boroordiiqaysay ay wacad ay ku mareen  in ay u dhimandoonaan Difaaca dalkooda.

Ficillada waxuushnimada ah ee Al shabaab ay sameeyaan ayaa ah kuwo Marwalba Bulshada Soomaaliyeed ku abuura . Murugo . Balse Xasuuqan ka dhacey Soobe ayaa u muuqada mid mideynaya dareenka Ummadda Soomaaliyeed . madaama Shabaab ay u soo jeesteen daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed ee abriyada ah.

Dhanka kale Dibadbaxyadii ugu ballaarnaa oo looga soo horjeedo falalka guracan ee maleeshiyaadka Shabaab iyo xasuuqii ka dhacay isgoyska Soobe ayaa maanta lagu qabtay magaalooyinka Dhuusamareen iyo Guriceel.

Wariyaha nooga soo warama deegaannadaasi Maxamed Deeq Cabdi Maxamed ayaa soo sheegaya in dibadbaxani ay ka qeybqaateen kumannaan dadweyne ah oo aad uga careysnaa xasuuqii lagu laayay boqolaal shacb Soomaaliyeed ah oo aan waxba galabsan.

Banaanbaxayaasha oo badankood madaxa ku soo xirtay weer gaduudan ayaa ku qeylinayay ereyo ka dhan ah maleeshiyaadka Shabaab, waxeyna socod ku soo mareen wadooyinka magaalooyinkaasi.

Mas’uuliyiin la hadashay dibadbaxayaashaasi ayaa dalbaday in meel looga soo wada jeesto maleeshiyaadka Shabaab, iyagoo sheegay in la gaaray xilligii midnimada ummadda iyo baaba’ maleeshiyaadka Shabaab.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...