Dowladda oo Shacabka ugu baaqay in ay u dibadbaxaan si Nabad ah

Date:

Muqdisho (SONNA) Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Cumar Yariisoow oo Wabaahinta Qaranka  kula hadlay gudaha Xarunta Gurmad qaran, ayaa ugu baaqay dadka Dibad baxyada sameynaya ee ka mudaharaadaya Xasuuqii Zoobe in ay u banaan baxaan si nabdoon oo aysan sameynin Fowdo iyo Rabshado keeni kara waxyaabo aminga qatar ku ah.

 

Wasiirka, ayaa sheegay in Dibad baxayaasha ay la qeyb sanayaan Muragada iyo darreenkooda, ayna Dowladda aadkeysay Amaanka guud ee Caasimada, si Shacabka Soomaaliyeed dibadbaxyada ay wadaan uu ugu dhammaado si nabdoon.

Mudane C/raxmaan Cumar Yariisoow, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in si wanaagsan ay u socoto howlaha Gurmadka ah ee loo sameynayo dadkii ku waxyeeloobay Musiibaddii ka dhacday KM5 ee Magaaladda Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Tanzania oo horumarinaya iskaashiga ka dhexeeya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Xuska 65-sano guurada xornimada Soomaaliya oo Sucuudiga lagu qabtay

Ergada Soomaaliya ee fadhida Isbahaysiga Ciidamada Wadamada Islaamka ee...

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA QEYBGALAY XUSKA MAALINTA XORIYADDA IYO MIDNIMADA DALKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljirka dahsoon

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...