Madaxweyne Farmaajo “Ilaaheey waxa uu isku soo dhaweeyey quluubteenna, si aan u aragno cadowgeenna u lana-dagaallanno”

Date:

18 Oktoobar 2017; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kaga qayb galay garoonka kubadda cagta Banaadir ee magaaladda Muqdisho bannaan-bax lagaga soo horjeedo kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab.

Madaxweynaha, ayaa halkaas kula hadlay kumanaan shacab ah oo ka soo qayb galay bannaan-baxaan, isaga oo kula dar-daarmay in ay ilaaliyan midnimada iyo amniga, kana qayb qaataan sidii loo dabar goyn lahaa cadowga sida arxan darrada ah u gumaada shacabka Soomaaliyeed.

“Meel kasta oo ay Soomaalidu joogto maanta waa isu dhawdahay. Ilaaheey waxa uuna isku soo dhaweeyey quluubteenna si in u aragno cadawgeenna ulana dagaalanno, anaga oo difaacaneyna dadkeenna iyo dowladdeena.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa u mahad-celiyey dhammaan qaybihii Bulshada ee kaalinta muhiimka ah ka qaatay howlaha gurmadka iyo samata bixinta dadkii ku dhaawacmay falkii argagixisanimo. Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu ku bogaadiyey Ciidamada Qalabka-Sida dadaalkii muhiimka ahaa ee ay kaga qayb qaateen howlaha gurmadka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa yiri “Dhammaan shacabka iyo dowladdu waxa ay muujiyeen isku duubni, taasina waa tilmaamta rajada maanta ay qabaan shacabka Soomaaliyeed, balse jawaabta aynu ka bixinno dhammaanteen musiibada dhacda ayaa noqonaysa midda la ina ku qiimeeyo.”

Sidoo kale, bannaan baxaan waxaa hadallo ka jeediyey Raiisul Wasaaraha Xukuumada, Mudane Xasan Cali Khayre, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ibraahim Iidle Suleymaan, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Taabid Cabdi Maxamed, Guddoomiyaha Haweenka Qaranka Batuulo Sheekh Axmed Gaballe iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan hay’adaha dowladda iyo kuwa bulshada rayidka ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...