Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqey in loomidoobo difaaca dalka iyo shacabka

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo,Guddoomiyaha Aqalka sare  Cabdi Xaashi C/llaahi iyo R/wasaaraha XFS Xasan Cali Khayre ayaa ka qeybgalay bannaan bax ballaaran oo looga soo horjeeday dhibaatooyinka ay Shacabka ku hayaan Maleeshiyada Shabaab iyo qarixii Soobe,kaasi oo ka dhacay Garoonka kubadda Cagta ee Kooonis ee magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiinta ayaa khudbad u jeediyay shacabkii ka qeybgalay dibad baxaasi,iyagoo ku booriyay in ay muujiyaan isku duubni si loo wajoho ka hortaga khataraha uu cadowgu u soo maleego umadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaraah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in lagu soo duuley jiritaanka umadda Soomaaliyeed,wuxuuna ka codsaday shacabka in waxkasta meel la iska dhigo loona soo jeesto xoreynta Dalka.

Intaasi kadib ayaa waxaa halkaasi khudbad dheer oo khiiro gelisay shacabka Soomaaliyeed ka jeediyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxmed C/llaahi Farmaajo,oo siweyn uga hadlay khataraha bulshada ay ku hayaan maleeshiyada Shabaab shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dheeraaday kahadalka ahmiyadda ay leedahay in cadowga SHabaab laga difaaco dalka iyo dadka Soomaaliyeed,wuxuuna xusay in la sameynayo ciidamo loogu magac daray ciidamada difaaca Shacabka.

“Waxaan leeyahay caruurtii,Aabayaashii iyo hooyooyinkii ku dhintay qarixii 14kii bishan dhacay illaahay ha u naxriisto,gacan ka xaqdaran ayaa dishey,aan u duceyno in illhaahay naxriistiisa uu siiyo,intii dhaawacantayna uu bogsiiyo,dadkaasi waxay ahaayeen mujaahidiin,waa ay shahiideen,dalka dhibaatada in muddo ah kajirta waxaa sabab u ah inaga oo caasinay illaahay aan u towbad keeno oo aan cafisweydiisano inagana aan iscafino si aan u helno naxriista alle”, Ayuu yiriMadaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u mahad celiyay dowladihii ka qeyb qaatay u gurmashada dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu gaartay,wuxuuna xusay in mar un loo abaal gudi doono,wuxuu sidoo kale ku ammaanay ciidamada Qaranka sida ay ugu istaageen howlaha gurmadka ah tan iyo malintii qaraxa uu dhacay,wuxuuna ku tilmaamay geesiyaad adag.

“14kii bishan waxay noqonaysa Taariikh madow oo Soomaaliya ay xusuusan doonto 100 sano ee soo socota,balse uu yiri waxay ku xiran tahay sida ay uga jawaabaan dhalinyarada Soomaaliyeed,waxaa la sameynayaa ciidamada difaaca shacabka waxaa lagu bilaabayaa 14 milyen oo dowladdu bixinayso,waxaana kow ka ah shaqaalaha Dowladda,ha la is qoro dalka hala difaaco”,ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Ugu dambeyntii madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay ciidamada Amisom dowrka ay ka qaadanayaan difaaca dalka,balse wuxuu xusay in looga baahanyahay shacabka Soomaaliyeed in iyaga ay is difaacaan hubkuna ay qaataan si ay uga hortagaan dhagaraha cadowga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabbilay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Marwada Madaxweynaha JFS oo maanta iska diiwaangelisay degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan,...

Soomaaliya oo marti galisay Shirka Xubnaha Siyaasadda Ciidamada Joogtada ah ee bariga Afrika (EASF)

Waxaa si rasmi ah maanta Muqdisho loogu furay kulammada...

Guddoomiye Muungaab oo la kulmay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...