Khadro Carab: Ninkayga kuma hayo raq iyo ruuxba, qaraxii…..

Date:

Khadra Carab Cabdi, 27 sano jir haybineysa seygeeda oo uga war dambeysay labadii duhurnimo maalintii Sabtiga ee uu dhacay qaraxii ka dhacay isgoyska Zope ee magaalada Muqdisho halkaas oo ku dhawaad 300 ruux ay ku naf waysay halka in ka badan tiradaasna ay ku dhaawacantay.

Khadra waxa aysan nolol iyo geeriba ku haynin C/rashiid Mukhtaar Sh. Sadiiq oo ah saygeeda, wuxuuna uga soo tagay gurigeeda oo ku yaala degmada Kaxda ee gobalka Benaadir abaaro 2:00 duhurnimo 14-kii bishan.

Khadra waxa ay hadda leedahay Uur 8-bilood ah, oo ay u leedahay ninka ay hadda baadi-goobkiisa ay ku jirta, waxaase xusid mudan in ay hasato 5 carruur ah, 4 gabdhood iyo 1(hal)-wiil oo ay u dhashay nin kale oo ay wada dhasheen ninkan dambe oo isna la dilay mudda hadda la jooga 4-sano.

โ€œWax war wacaal uma hayo ninkayga, C/rashiid Mukhtar, tan iyo ilaa sabtidii oo qarax ka dhacay Zope ayaan heybinayey, mana helin warkiisa, mawd iyo nolol, waxaan joognaa quus, waxaan codsanaynaa in nalagu gacan siiyo warkiisa, nala caawiyo, waa markii labaad ee aan asay qaadayoโ€, Khadra ayaa sidaas u sheegtay Wakaaladda SONNA.

Khadra waxa ay intaas ku dartay in C/rashiid uu gacanta ku hayey Waalidkiisa, hooyo iyo aabe oo cad ah iyo in nolosha uu gacan ku siin jiray qoyska gabar isaga la dhalatay oo nin maskax ahaan u fiyoobeen u dhexda.

 

โ€œNinkeyga waxaa dishay mid kamida 3-xaas(naagood) oo uu qabay weli tan uga daโ€™da yareyd, iyadaas waxa ay u dhashay 2 carruur ah, ana waxan u dhalay 5 carruur ah halka tan kale aysan waxba u dhalinโ€, Khadra ayaa intaa raacisay.

 

Ninkeedan aysan warkiisa haynin balse ay aamin santahay in uu ku geeriyooday qaraxii maasheeyey boqolaalka ruux ee aan waxba galabsan, wuxuu ahaa baabuurey(darawal) ka shaqayta magaalada muqdisho halkii ninkeedii hore uu u shaqayn jiray dawladda sida gaar ah โ€˜Wasaaradda Arrimaha Gudahaโ€™.

Maryan Mukhtar Sh. Saadiq waxa ay la dhalatay ninka maqan,sidoo kale waa gabar culus oo uur leh oo aan ilinta ceshan karin oo waxa ay gabtay in sawir buuxa ka bixiso walaalkeed oo u muuqday in ay ku waysay Qaraxa Zope.

C/siis Macalin Cisman Sheekh oo isna ay ilmo adeero yihiin wiilka maqan yiri, โ€ Ma u malaynayo in uu nool yahay walaalkey, waxa aan aamin sanahay in uu ku dhintay qaraxaas, masโ€™uuliyad badan buu hayey, dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed gurmad baan ka rabnaaโ€.
Isku soo wada duub, waxaa aad u adag in sawir laga bixiyo xanuunka ay leedahay in qofkaaga aad ku wayso nolol ama geeri, waa arrin ay dad badan oo bulshadeena ku indha qaaday qaraxii ka dhacay isgoyska Zope ee magaalada Muqdisho.
Alle ha u naxariisto inta ku geeriyootay xasuuqaas, inta dhaawaca ahna Alle ha caafiyo.



W/D: Maxamed Cisman Cabdi โ€œBlack Cobraโ€

E-mail: cobrasonna@gmail.com

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO LA KULMAY GUDDOOMIYAHA GOLAHA AQALKA SARE

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo daahfuraya Hirgalinta Siyaasadda Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda

Raโ€™iisul Wasaaraaha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

War-saxaafadeed Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS:Aqoonsiga Qaranku waa Xaqa Muwaadinka, lama Siyaasadeyn karo

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo tixraaceysa himilooyinka dastuuriga ah iyo...