Qaar kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Deeq lacageed gaarsiiyey Bukaanada Qaraxii Zoobe  “Sawirro”

Date:

Muqdisho (SONNA) Qaar kamid ah Xildhibaanadda Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa Maanat booqday Qaar kamid ah Isbitaalada ay ku jiraan Bukaanaddii dhowaan kusoo dhaawacmay Qaraxii Kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab ay ka geeysteen Isgooyska Zoobe ee Gobolka Banaadir.

 

XIldhibaanadda oo kala ah Xil Farxiyo Xasan Axmed, Xil Xiisa Xasan Aadan, Xildhibaan Maryan Axmed Haaruun iyo Xildhibaan Xabiibo Axmed Haaruun, ayaa  booqday Isbitaalada Madina, Digfeer, Daarulshifa iyo kuwa kale, iyaggoo Bukaanadii Isbitaaladaasi ku jiray Gaarsiiyey Deeq lacageed oo ay iska soo arruuriyeen dhexdooda.

 
Waxaa sii kordhaya Deeqaha kala duwan ee la gaarsiinayo Dadkii ku dhaawacmay Qaraxii aadka u cusluu ee Kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab ay ka geeysteen Isgooyska Zoobe ee Magaaladda Muqdisho, qaraxaas oo ay ku dhinteen dad ku dhow 300 oo qof.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...