Wafdi Turki ah oo la filayo in ay soo gaaraan Muqdisho

Date:

Muqdisho (SONNA) Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ku sugan garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde kuwaas oo soo dhaweynaya dhakhaatiir iyo wafdi ka imaanaya dalka Turkiga oo la socda diyaarad Ambulance ah oo sida dawo iyo qalab kale ee caafimaad oo lagu caawinayo dadka Soomaaliyeed ee dhibaatada ku habsatay.

Wasiirka warfaafinta ee dowladda Soomaaliya mudane C/raxmaan Cumar Cismaan Eng. Yariisow oo kamid ah mas’uuliyiinta garoonka ku sugan ayaa sheegay in Turkiga uu noqday wadankii ugu horeeyay ee ka jawaaba codsiga dowladda Soomaaliya u jeedisay ka dib qaraxii Zoobe gelinkii dambe ee Sabtida.

Wasiir yariisow, ayaa intaa ku daray in diyaaradda ka imaanaysa Turkiga ay la socdaan dhakhaatiir takhasus ah si dadka dhaawacyada qaba qaarkooda halkan loogu daweeyo islamarkaana sida uu qorshuhu yahay in ka badan 40 bukaan maanta loo duulin doono Turkiga si halkaas daweyn dheeraad ah loogu sameeyo.

Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan, wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in dalalka Jabuuti, Kenya, Ethiopia iyo qaar kamid ah wadamada Khaliijka ay soo diri doonaan dawo iyo qalab caafimaad oo loogu talagalaydadka dhaawacmay.

Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda Soomaaliya mudane Yuusuf Garaad Cumar ayaa bartiisa Facebook-ga ku soo qorey in dowladda ugu mahadcelineyso dalalka muujiyay in ay garab istaagan yihiin dadka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...