Guddoonka Aqalka sare falkani dhacay waa mid aan loo dulqaadan karin”

Date:

Muqdisho(SONNA) Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa booqday isbitaalka Madiina si uu tacsida iyo dhibaatadii dhacday ula qaybsado shacabka Soomaaliyeed.

Markii uu gaaray Isbitaalka Madiina waxa uu warbixin ka dhageystay maamulka Isbitaalka Madiina Dr Maxamed Yuusuf ka dib wuxuu socod ku maray qeybaha isbitalka uu ka kooban yahay,isagoo u kuur galayay dhimashada iyo dhaawaca shacabka soo gaaray.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa shacabka ku dhaqan caasimadda ugu baaqey in ay ka dhiidhiyaan dhibaatooyinka iyo gumaadka ay ku hayaan maleeshiyada Shabaab bulshada.

“Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi Ayaa ayaa yiri”Waxaan uga tacsiyeynayaan shacabka Soomaaliyeed dadkii ku dhintay mashaqadii dhacday,Arintani waa mid aan loo dulqaadan Karin,waxaan ugu baaqayaa shacabku in ay kala shaqeeyaan laamaha ammaanka sidii looga hortagi lahaa dhagaraha Shabaab.

Khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ayaa gaaraya boqolaal,waxaana weli meydad la garan la’yahay ay yaaliin isbitaalada magaalada Muqdisho halkaasi oo ay ku booqdeen mas’uuliyiin kaladuwan oo katirsan Dowladda Soomaaliya,inta badan waxaa lagu guuleystay in nadaafad laga waday goobtii mashaqadu ay ka dhacday,waxaana jirta in dad nool oo dhismayaal ay ku soo dumeen laga heley halkaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYEY KULANKA AAN CAADIGA AHEYN EE GUDDIGA JOOGADA

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay Xuska Sanad-guurada Aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS “Geesiyaasha CXD waa kuwa badbaadiyey 20 milyan oo Soomaaliyeed”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo...

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay sanad-guurada 66-aad ee aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Wasaaradda Gaashaandhigga...