Guddoomiye Jawaari oo Xildhibaanada goloha Shacabka ugu baaqay inay u gurmadaan dadka Waxyeelada ay kasoo gaartay Qaraxii shalay

Date:

Muqdisho (SONNA) Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa ka hadlay qaraxii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho waxaana uu ugu horeyn tacsi u diray shacabkii ay eheladooda ku geeriyoodeen weerarkaasi bahalnimo isaga oo dhinaca kalena Alle uga baryay inta dhaawaca ah in uu caafimaad deg deg ah siiyo.

“waxaan hor iyo horaan ka codsanayaa Xildhibaannada Golaha  Shacabka iney gurmadaan oo waxa ugu yar oo ay sameynayaan uu yahay iney dhiigooda ugu deeqaan dadka dhaawac ah ee u baahan, sidoo kalena waxaan shacabka Soomaaliyeed ka codsanayaa iney gurmadaan dhammaantood, arrintan waa arin anaga oo dhan na saameysa ma ahan Xukuumadda kaliya in laga sugo waa inaan dhammaanteen gurmanaa si loo bad baadiyo dadka dhibaateysan”ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS.

Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa uu fariin u diray kooxaha ma naxayaasha ah ee falkan soo maleegay, sidoo kalena shacabka ayuu ugu baaqay iney muujiyaan isku duubni isaga oo dhinaca kale muujiyey in arintan Madaxweyne,Xukuumad,Gole Shacab iyo Aqal Sareba ay ka mideysan yihiin.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxa uu amray guddiyada Amniga,maalliyadda iyo arrimaha dibadda iney kala shaqeeyaan Xukuumadda wax kasta uu gurmad loogu sameyn karo dadka Soomaaliyeed ee ay waxyeeladu soo gaartay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo uga warbixiyay Madaxda Qaranka wax-qabadka hay’adda

Guddoomiyaha hay’adda maaraynta musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle,...

Ra’iisul Wasaare Xamsa ” Guulaha la gaaray waxaa saldhig u ah sharuucda dalka oo la hagaajiyay”.

Xukuumadda DanQaran ayaa xalay bulshada Soomaaliyeed u soo bandhigtay...

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay bandhigga wax-qabadka Xukuumadda Dan-Qaran 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo kulan la qaatay Madaxa Afooyinka ee Midowga Yurub

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Axmed Xuseen Cilmi,...