Xildhibaanno dhagax dhigay xarun Caafimaad oo laga hirgelinayo Deegaanka Goobweyn

Date:

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa dhagax dhigay goob caafimaad oo loogu talo galay dadka ku nool deegaan Goobweyn ee gobolka Jubbada Hoose.

Xildhibaan Maryan Maxamed Duuliye oo ka tirsa Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Xildhibaanno kale oo ka tirsan Baarlamaanka Jubbaland ayaa si wada jir ah u dhagax dhigay xarun loogu talagalay Hooyada iyo Dhallaanka, kaasi oo loogu adeegayo bulshada Deegaanka Goobweyn oo ka mid ah meelaha dhawaan laga saaray maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Xildhibaan Qureesho oo ka mid ah Baarlamaanka Jubbaland ayaa sheegtay in Xildhibaan Maryan ay ku soo dhaweysay deegaanka Goobweyn, isla markaana ay u yimaadeen inay dhagax dhigaan xarun caafimaad.

Xildhibaan Maryan Maxamed Duuliye ayaa sheegtay in xarunta caafimaad loogu talagalay in loogu adeego bulshada deegaanka, waxaana ay intaa ku dartay inay qorsheyneyso sidii ay deegaankaasi uga hirgelin lahayd mashaariic kala duwan.

Maryan Maxamed Duuliye ayaa ugu baaqday Qurbo joogta Soomaaliyeed ee ka soo jeeda deegaannada Jubbooyinka inay gacan ku siiyaan sidii adeegyada bulshada looga hirgelin lahaa deegaanka Goobweyne ee Gobolka Jubbada Hoose.

Xildhibaan Maryan Maxamed Duuliye ayaa sanadkii 2014-ka xarunta Hooyada iyo Dhallaanka ka hirgelisay xaafadda Faanoole ee magaalada Kismaayo, kaasi oo wax badan u taray bulshada xaafadaasi ku nool.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Lugta oo ka qaybgalay Shirka African Land Forces Summit 2026 ee Rome 

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

Xulka Kubadda Cagta Qaranka Soomaaliyeed oo galabta la ciyaaraya dhiggooda Mauritius

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda Cagta ayaa ku...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud has granted a 90-day...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cafis muddo 90...