Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta oo heshiis iskaashi la saxiixatay ITU

Date:

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada ayaa heshiis iskaashi kula saxiixatay Ururka Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU) caasimadda dalka Arjaniin oo uu ka socdo shirka horumarinta Isgaarsiinta.

Heshiiskan ayaa qeexaya dhinacyada ay ka wada shaqeyn doonaan Wasaaradda iyo ITU, Ujeeddada heshiiskan ayaa ah sidii loo jaan-goyn lahaa qeybaha ay ITU ka caawineyso Wasaaradda, sida ay dhigayaan qaraaradii ka soo baxay ururkaas, kuwaas oo faraya Xoghayaha Guud ee ITU inuu kaalmo u fidiyo Soomaaliya maadaama ay ka mid tahay dalalka saboolka ah.

Heshiiskan ayaa ka dambeeyay kaddib markii Wasiir Cabdi Cashuur uu baaq toos ah ugu jeediyay Xoghayaha Guud iyo Agaasimayaasha waaxyaha kala duwan ee hay’addaas mar uu dhowr bilood ka hor booqday xarunta ITU ee Geneva, iyadoo diyaarinta heshiiskan ay Wasaaradda kala shaqeysay Xafiiska ITU ee Carabta oo Soomaaliya qaabilsan.

Heshiiskan ayaa dhigaya in ITU ay Soomaaliya ka caawin doonto dhinacyada ay ka mid yihiin: diyaarinta kaabayaasha iyo sharciyada Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada (ICT), kor-u-qaadista aqoonta ICT, dhismaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, dhismaha Machadka Isgaarsiinta Qaranka iyo in sare loo qaado sidii teknoolojiyada loogu adeegsan lahaa waxbarashada, caafimaadka iyo adeegyada kale, iyadoo tixgelin gaar ah la siinayo qeybaha bulshada ee nugul.

Heshiiskan waxaa dalkeena u saxiixay Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, Mudane Eng. Cabdi Cashuur Xasan, halka dhinaca ITU uu u saxiixay Agaasimaha Xafiiska Horumarinta Isgaarsiinta ee ITU, Brahima Sanou.

DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...