Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta yeelanayo kulan ka mid ah kulamadooda caadiga ah waxaana ay kulanka ku yeelanayaan Xarunta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta cod u qaadaya heshiiska is dhaafsiga Maxaabiista ee dowladaha Soomaaliya iyo Hindiya, Heeshkan ayaa waxaa Soomaaliya uu soo saxiixay Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Yuusuf Garaad.
Heshiiska is dhaafsiga maxaabiista ayaa qeexaya in dowladda Hindiya ay Soomaaliya ku soo wareejiso maxaabiista xukunka ku dhacay ee ku jira xabsiyada dalkaas, si ay xukunkooda ugu dhameystaan dalkooda.
Sidoo kale Heshiis kan la mid ah ayaa waxaa horay loola galay Dowladda Itoobiya kaas oo sabab u noqday in Soomaaliya lagu soo wareejiyo in ka badan 100 qof oo ku xirnaa Xabsiyadda Dalka Itoobiya.