Soomaaliya oo Daahfurtay Dhaqangelinta Istraatejiyada Ka hortaga fikirka Xagjirka ah

Date:

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ( Khadar) iyo danjiraha cusub ee dowladda Sweden ee Soomaaliya danjire, Aderes von Uexkull, ayaa maanta si wadajir ah u shir guddoomiyey kulan looga hadlayay ka hor tagga argagaxisada iyo fekirkooda.

Barnaamijka maanta uu ku saabsanaa shirkan, ayaa ahaa kii afaraad, waana qeyb kamid ah hanaanka amniga ee dalka oo kamid ahaa arrimihii looga hadlay shirkii bishii May lagu qabtay magaalada London ee dalka UK ee Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa ka qeybgalay, wasiiro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo wakiilada in ka badna 10 dal, ururo caalami ah sida; Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo kuwo kale.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa khudbad dheer ka jeediyey sheegeyna in dhaqangelinta Istraatejiyada Qaran ee ka hortaga fikirka xagjirka ah ay ahmiyad gaar ah u leedahay dalka si loo helo busho amni iyo nabad ku wada nool.

Danjiraha dalka Sweden, Aderes von Uexkull, oo beesha caalamka ugu wakiilatay in mashruucan kala shaqeeyo madaxda Soomaalida, ayaa shirka ka sheegay in qorshahan uu yahay mid Soomaalida hormuud ka tahay isla markaana beesha caalamku ay fududeeye uun tahay kaalinteedu.

Wakiilo ka kala socday dowlad goboleedyada dalka, ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa shirkan, wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaliya, danjire Mechael Keating, ayaa dhankiisa sheegay in argagaxisnimada aan looga adkaan karin dagaal oo kali ah, balse loo baahan yahay dib-u-heshiisiin iyo is faham.

Wasiirka warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska mudane C/raxmaan Cumar Cismaam Eng. Yariisow oo kamid ahaa wasiirada shirka wax ka abaabuley isla markaana kamid ah wasaaradaha barnaamijkan fulin doona ayaa sheegay in dhowr wasaaradood oo dowladda federaalka ah iyo wakiilo ka imaanaya dowlad goboleedyada ay ka shaqeyn doonaan hirgelinta mashruucan.

Shirka oo ahaa mid hal maalin ah, ayaa ka qeybgaliyaashu ku lafa gureen sida ugu haboon ee dadka Soomaalida ay loogu wacyigelin lahaa fekirka xafjirka ah oo dhibaato badan ku haya shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan da’yarta.

Arrinta ka qeybgaliyaashu ay ka mideysnaayeen ayaa aheyd, howshan ay noqoto mid qaab wacyigelin ah dadka lagu gaarsiiyo taas oo laga soo bilaabayo bulshada caadiga ah isla markaana culimada iyo dadka kale ee wax galka ah lala kaashado hirgelinta mashruucan.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya mudane C/raxmaan Cumar Cismaan, ayaa halkaas ku soo bandhigay qorshe howleed loogu talagalay in lagu fuliyo howshan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirka Labaad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka oo Muqdisho ka furmay

Waxaa maanta Muqdisho ka furmay Shirka Labaad ee Kaabayaasha...

Boliiska oo digniin adag kasoo saaray sumcad-dilka iyo aflagaado loo geysto madaxda qaranka & ku xadgudubka diinteenna suuban

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa digniin adag kasoo saaray sumcad-dil...

Taliyaha Ciidanka Dhulka :Dadka deegaanka ayaa sabab u ah in ciidanku ku jebiyaan Khawaarijta Ceeldheer

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal Cabdullaahi...

Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta

Jabkii isdaba joogga ahaa ee khawaarijta ka soo gaaray...