Shir looga hadlayay arrimaha xagjirnimada oo Muqdisho lagu qabtay

Date:

Muqdisho(SONNA)-Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ( Khadar) iyo danjiraha cusub ee dowladda Sweden ee Soomaaliya danjire, Aderes Von, ayaa maanta si wadajir ah u shir guddoomiyaha kulan looga hadlayay ka hor tagga argagaxisada iyo fekirkooda.

Barnaamijka maanta uu ku saabsanaa shirkan, ayaa haa kii afaraad, waana qeyb kamid ah hanaanka amniga ee dalka oo kamid ahaa arrimihii looga hadlay shirkii bishii May lagu qabtay magaalada London ee dalaka UK ee Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa ka qeybgalay, wasiiro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo wakiilada in ka badna 10 dal, ururo caalami ah sida; Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo kuwo kale.

Danjiraha dalka Sweden, Aderes Von, oo beesha caalamka ugu wakiilatay in mashruucan kala shaqeeyo madaxda Soomaalida, ayaa shirka ka sheegay in qorshahan uu yahay mid Soomaalida hormuud ka tahay isla markaana beesha caalamku ay fududeeye uun tahay kaalinteedu.

Wakiilo ka kala socday dowlad goboleedyada dalka, ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa shirkan, wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaliya, danjire Mechael Keating, ayaa dhankiisa sheegay in argagaxisnimada aan looga adkaan karin dagaal oo kali ah, balse loo baahan yahay dib-u-heshiisiin iyo is faham.

Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska mudane C/raxmaan Cumar Cismaam Eng. Yariisow oo kamid ahaa wasiirada shirka wax ka abaabuley isla markaana kamid ah wasaaradaha barnaamijkan fulin doona ayaa sheegay in dhowr wasaaradood oo dowladda federaalka ah iyo wakiilo ka imaanaya dowlad goboleedyada ay ka shaqeyn doonaan hirgelinta mashruucan.

Shirka oo ahaa mid hal maalin ah, ayaa ka qeybgaliyaashu ku lafa gureen sida ugu haboon ee dadka Soomaalida ay loogu wacyigelin lahaa fekirka argagaxisada oo dhibaato badan ku haya shacabka Soomaaliyeed agaar ahaan da’yarta.

Arrinta ka qeybgaliyaashu ay ka mideysanaayeen ahaa aheyd, howshan ay noqoto mid qaab wacyigelin ah dadka lagu gaarsiiyo taas oo laga soo bilaabayo bulshada caadiga ah isla markaana culimada iyo dadka kale ee wax galka ah lala kaashado hirgelinta mashruucan.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya mudane C/raxmaan Cumar Cismaan, ayaa halkaas ku soo bandhigay qorshe howleed loogu talagalay in lagu fuliyo howshan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...