Sidee ayey Suudaan usoo dhawaysay Cunaqabataynta Ganacsi ee laga qaaday

Date:

Khartuuum(SONNA)-Shacabka reer suudaan ayaa aad ugu farxay warka kasoo yeeray Dowladda Mareykanka kaas oo ah in cunaqabateynta laga qaaday wadankooda, waxa lagu arkayay wadooyinka waaweyn dad soconaya iyaga oo sita calanka Suudaan, qaadayana heeso dhiirigalin ah.

Shacabka ayaa isugu hambalyeynayay dulqaadka ay muujiyeen mudadii ay saarneyd cunaqabataynta iyo dadaalka ay ku wajahayeen nolosha adag ee marba sicirkeedu sii kacayay.

Cunaqabataynta uu maraykanka ka qaaday Wadanka Suudaan ayaa ah mid saarnayd Muddo 20sano ah, iyadoo hoos u dhac badan ku yimid shirkadihii maalgashiga ee dalka suudaan ka hawl gali jiray taas oo saamayn ku yeelatay dhaqaalaha dalka suudaan gabi ahaantii.

Jaamacadda Carabta ayaa soo dhawaysay Cunaqabatayna laga qaaday suudaan iyadoo sheegtay in taasi ay sabab u tahay joojinta dowladda suudaan ay joojisay tacadiyada ka dhaca gobolada ay dagaalada ka jiraan ee dalka suudaan.

Afayeen u hadlay Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in ka qaadista cunaqabatayntan ay imaanayso ka dib Codsiyo badan oo ay u gudbiyeen Dowladda Mareykanka maadaama suudaan ay xubin Firfircoon ka tahay Ururka iskaashiga islaamiga, Jaamacadda Carabta iyo Midowga Africa.

Dhanka kale Madaxda suudaan ayaa si wadajir ah usoo dhaweeyay cunaqabatayna laga qaaday dalkooda iyadoo wasiirka Ganacsiga Suudaan Mudane Xaatim Alsir uu sheegay in Cunaqabatayna laga qaaday suudaan ay bilow u tahay iskaashi ganacsi iyo in la maalgashado suudaan.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in cunaqabatayna suudaan ay dhibaato wayn ku keentay ganacsiga suudaan isla markaana ay  ka hor istaagtay inay ka mid noqoto Hay”adda Ganacsiga Caalamiga ee  WTO,  inkastoo suudaan ay buuxisay waajibaadkii ka saarnaa dhamaystirka inay ka mid noqoto Hay”addan balse Cunaqabateyntaa ay saamayn ku yeelatay.

Wasiirka Ganacsiga ayaa sheegay in Fursadan taariikhiga ay suudaan ka faaidaysan doonto ayna diyaariyeen barnaamij ganacsi oo ay kaga qayb qaadanayaan suuqayada caalamiga ee Maraykanka, yurub iyo woqooyiga Ameerika.

 

W/Q: Maxamed Cabdiqaadir Socdaal

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo kormeer ku tegay xarunta maamulka Baydhabo

Baydhabo, Abriil 08, 2026: Hoggaamiyaha ku-meelgaarka ah ee Dowlad...

Soomaaliya oo u diyaar-garowbaysa helitaanka maalgelinta cimilada

Xafiiska Sanduuqa Qaran ee Cimilada Soomaaliya (National Climate Fund...