Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo deeq dhar ah gaarsiisay Maxaabiis Soomaaliyeed

Date:

Toddoba dhalinyaro Soomaali ah oo dhameystay xukunno 8 sano ah oo xabsi ah  ayaa deeq dhar ah oo dhiirri gelin ah, waxaa gaarsiiyay sii hayaha safaaradda Soomaaliya ee wadanka Kenya, ahna Qunsulka guud ee safaaradda mudane Cali Maxamed Sheekh (Cali Bagadi).

Dhalinyarada ayaa marka hore warbixin ka siiyay Cali Bagadi muddada ay Xabsiga Kamtiti ee duleedka magaalada Nairobi ku jireen iyo waxyaabaha ay kala kulmeen, iyagoo ka mahadceliyay booqashada uu ugu tagay sii hayaha safaaradda Soomaaliya ee wadanka Kenya ahna Qunsulka guud ee safaaradda.

Qaar ka mid ah Dhalinyaradan oo lagu eedeeyay falal burcadbadeednimo ah ayaa muujiyay sida ay ugu faraxsanyihiin iney xoriyaddooda dib u helaan,  iyagoo aad uga mahadceliyay booqashada Cali Bagadi iyo deeqda uu gaarsiyayba.

Mudane Cali Maxamed Sheekh (Cali Bagadi) sii hayaha safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, ahna qunsulka guud ee safaaradda  ayaa sheegay in tani aysan aheyn markii u horreysay oo uu maxaabiis Soomaaliyeed ku booqday xabsigan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo Golaha Ammaanka ku hoggaaminaysa xal u helidda qalalaasaha Bariga Dhexe.

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Xamse...

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Khawaarijta ku baacsanaya dhulka howdka ah

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sii wada howlgal qorsheysan...

Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan ku saabsan u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Aqalka sare oo Ansixiyay sharciga daawada iyo agabka caafimaadka.

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka...