Muqdisho (SONNA) Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa maanta Kormeeray Xarunta Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, waxaana R/wasaaraha Xaruntaasi kusoo dhoweeyey Wasiir dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Maxamuud Xayir Ibraahim, Wasiir ku xiggeenka Wasaaradda Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocoow iyo Masuuliyiin kale.
R/wasaare Kheyre ayaa Ujjeedka Booqashada uu ku tagey Xarunta wasaaradda Maaliyadda ayaa ah siddii uu ugu kuur gali lahaa Shaqada Wasaaradda ka socota iyo Hanaanka Shaqo ee Shaqaalaha.
Mudane Xasan Cali Kheyre, Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhiiri galiyey Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda, isagoo ku boggaadiyey Howsha adag ee Bulshadda Soomaaliyeed ay u Hayaan , in ay sii laba jibaaraan ayuuna ugu baaqay.