Guddoomiyaha Shabeellaha hoose oo sheegay inay degan tahay Xaalada deegaanka Bariire

Date:

Muqdisho (SONNA) Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax oo la hadlay Wakaalada SONNA ayaa sheegay in xaalada deegaanka Bariire ay degan tahay, isla markaana aysan jirin dagaalo ka dhacay.

Guddoomiyaha ayaa been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya in xalay dagaal uu ka dhacay Deegaanka Bariire, isagoo sheegay in Maleeshiyada Al shabaab ay shalay tiro yar oo Madaafiic ah ku soo tuureen deegaanka, balse aysan geysan wax khasaaro ah.

Ibraahim Aadan Najax ayaa sidoo kale xusay in Maleeshiyada diidan Hormarka iyo Nolosha shacabka Soomaaliyeed ay dhawaan qarxiyeen Buundada deegaanka Bariire oo muhiim u aheyd isku socodka gobolka oo muddo aad u badan soo shaqeyneysay, wuxuuna balanqaaday inay ka shaqeyn doonaan hormarka deegaankaas, shacabkana ay ka codsanayaan inay la shaqeeyaan Ciidamada amaanka.

Tan iyo markii ay Ciidamada dowlada la wareegeen deegaanka Bariire, waxaa aad u soo hagaagaya amaanka, iyadoo shacabka ay si u soo dhaweeyeen Howlgalo ciidamada dowlada ay ka sameeyeen deegaanka Bariire iyo Nawaaxigiisa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Norway oo maamulka koofur galbeed Soomaaliya ka caawineysa horumarinta korontada

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka ka saaray Khawaarijta deegaanka Gumarre

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan...