Isu soo bax Nabadda lagu taageerayay oo ka dhacay Gaalkacyo “SAWIRRO”

Date:

Gaalkacyo (SONNA) Dibad bax lagu taageerayay Nabadda iyo xasiloonida Gaalkacyo oo ay soo qaban qaabiyeen qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa maanta ka dhacay guud ahaan magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Isu soo baxa Nabadeed ayaa u jeedkiisu ahaa in bulshada gobolka ay ka wada shaqeyso Nabadgelyada iyo in laga hortago shaqaaqooyin dhawaan ka soo cusboonaaday dhanka miyiga ee gobolka Mudug.

Banaan baxa waxaa ka qeyb galay dhamaan ardayda wax ka barata Gobolka, kuwaasi oo socod dheer ku soo maray qeybo ka mid ah magaalada, iyadoo ammaanka si weyn loo adkeeyay oo ay ka qeyb qaateen ciidamada isku dhafka ah ee loo qorsheeyay sugidda amniga Gobolka Mudug.

Taliyaha ciidamada isku dhafka ah ee Gobolka Mudug Shariif Cali ayaa sheegay inaysan ka daaleyn inay la shaqeeyaan cidkasta oo Nabadda ka shaqeyneysa, waxaana uu ugu baaqay shacabka inay xoojiyaan Nabadgelyada Gobolka.

Duqa Gaalkacyo ee Galmudug Xirsi Yuusuf Barre ayaa sheegay in banaan baxani ay tahay mid bilow u ah Nabadda, waxaana uu intaa ku daray in Gaalkacyo ay tahay mid oo aysan ogolaan doonin in amni darro laga shaqeeyo.

Qaar ka mid ah ardaydii dibad baxa dhigeysay iyo waxgaradka magaalada oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ujeedka banaan baxa uu yahay in guud ahaan laga wada shaqeeyo amniga Gobolka, isla markaana laga hortego cidkasta oo abuureysa qal qal amni.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa Muqdisho ka Furay Shir Qaran oo Lagu Dardargelinayo Ka-Jawaabista Abaaraha Dalka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee...

Munaasabada xuska ciidanka Booliiska oo goordhow ka bilaaban doonta Muqdisho

Waxa maanta oo ah 20-ka bisha disember si weyn...

Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar

20-ka disember waa astaan ka mid ah maalmaha qaran...