Xulka Qaranka Gabdhaha Soomaaliyeed ee da’doodu ka yar tahay 17-sano oo galabta sameynaya taariikh cusub

Date:

Xulka Qaranka Gabdhaha Soomaaliya ee da’doodu ka yar tahay 17 sano ayaa galabta sameynaya taariikh cusub, maadaama ay markii ugu horreysay abid Soomaaliya ku matalayaan tartan rasmi ah oo kubadda cagta ah.

Gabdhaha Ocean Stars ayaa kulanka furitaanka tartanka Bariga iyo Bartamaha Afrika ee Haweenka galabta magaalada Dar es Salaam kula ciyaaraya martigeliyeyaasha tartanka ee Tanzania, iyagoo ku jira Group A, halkaas oo ay sidoo kale kula jiraan xulalka Kenya iyo Sudan.

Ka qaybgalka tartankan ayaa astaan u ah horumarka ay sameyneyso kubadda cagta haweenka Soomaaliyeed iyo dadaallada wadajirka ah ee ay wadaan Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya iyo Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, si loo dhiirrigeliyo ka qaybgalka gabdhaha ee ciyaaraha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...