800 oo qof oo ku dhaawacantay rabshado ka dhashey aftidii gobolka Catalonia ee Spain

Date:

Spain(SONNA) Dadka kunool Gobolka Catalonia ee Dalka Spain ayaa inta badan HAA u codeeyey aftidii la qabtay,iyadoo dhanka kale Dowladda ay si weyn uga soo horjeedo talaabooyinkaasi.

Iyadoo Hogaamiyaha gobolka Catalonia Mr Carles Puigdemont ayaa ku dhawaaqey in ay ku guuleysteen in ay ka madax banaanadaan  Spain inteedi kale waxaana dadka HAA u codeeyey ay gaarayeen 90%.

Maxakamadda Dastuuriga ee Dalka Spain ayaa sharci daro ku tilmaantay talaabada lagu qabtay aftiada,taasi oo intii ay socotay ay ka dhaasheen rabshado khasaarooyin dhaliyay.

Hogaammiyaha Gobolkaasi aftidu ka dhacday ayaa sheegay in dhawaan loo gudbin doono arintaasi baarlamaanka maamulkaasi,isagoo xusay in mustaqbalka shacabka uu u yaalo baarlamaanka.

Duqa magaalda Barcelona ee dalka Spain ayaa sheegay in ugu yaraan afar boqol iyo lixdan qof ay dhaawacmeen kadib markii booliska dalkaasi ay sameyeen howgal ballaaran oo ay ku joojinayaan afti dadka ku nool gobolkaasi ay ku doonayaan inay kaga go’aan Spain inteeda kale.

Laamaha ammaanka ayaa dadka ka hor istaagay inay gudaha u galaan goobaha codbixinta,Kooxaha adeegyada deg dega ee gobolka Catalonia ayaa sheegay inay daaweyeen dad badan oo ku dhaawacmay rabshadaha u dhaxeeya booliska iyo dadka Catalonia

Booliska ayaana la sheegay in rabshadahani ay u adeegsadeen rasaasta cinjirka,iyadoo Hogaamiyaha gobolka Catalonia Mr Carles Puigdemont uu tallaabadan ku tilmaamay mid sumcad xuma ku ah maamulka Madrid, waxaana uu sheegay in aysan marnaba ilaawi doonin ficilada ay sameyeen booliska.

Dhanka kale wasiirka arrimaha gudaha ee Spain ayaa Carles Puigdemont ku eedeeyay waxa uu ugu yeertay falkani micna darrada.

Carles Puigdemont ayaa ku baaqay in wada xaajood lagu xaliyo khilaafka kala dhexeeya xukuumadda Madrid ee ku salaysan aftida madax bannaanida.

Puigdemont ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka ee Faransiiska in natiija kasta oo ka soo baxda aftidani ay weli muhiim tahay inay wadahadal la galaan dowladda dhexe ee Spain.

Xukuumadda Madrid ayaa wacad ku martay in ay is hortaagi doonto afitida gobolka Catalonia.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Taliyaha CXDS oo dhagax-dhigay Saldhigga degmada Howlwadaag.

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen. Sulub Axmed Firin ayaa...

Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Hirshabeelle oo Jowhar ku qabtay kulan dadweyne.

Qaar ka mid ah Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Baarlamaanka...

Ciidanka Xoogga oo toogtay naftii hallige khawaarij ah

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa afaafka hore ee xeradda...