Waa sidee xaaladda Barakacayaasha Baydhabo? Warbixin+Sawirro

Date:

Baydhabo (SONNA) Halkan waa kaam kuyaala duleedka bari ee Magaalada Baydhao ee xarunta gobolka Baay, Waxaana kujira boqolaal qoys oo dhawaan ka soo barakacey deegaano farabadan oo hoos yimaada gobolka Jubbada Hoose sida Shanqalaw, Saakaw, Baalinbaasho iyo Dameerka.

Deegaanada dadkaan ay ka soo barakaceen ayaa waxaa ka jira xaalado bini’aadanimo mana helin roob kufilan sedaxdii sano ee ugu danbeeyey, iyada oo  qoysaskan ay u badanyihiin xoola dhaqato iyo beeraley.

Inkastoo deegaanada dadka ay ka soo barakaceen ay kajiraan abaaro daran iyo jiilaal dheeraadey hadana waxaa in taasi u wehliya caqabado kale oo farabadan oo ka soo wajahey kunoolashaha deegaanadoodi taas oo ay ugu horeyso in si qasab ah al-Shabaab ay uga askareeyaan caruurta da’doodu kaweyntahay 10-ka sano.

Caruur aad u da’yar oo tiradooda kor udhaafayso 500 (shan boqol) ayaa kamid ah barakacayaasha, kuwaas oo waalidiintooda ay door bideen in ay caruurtooda  ka soo wadaan goobaha Shabaabka ay maamulaan si aan loo askareen.

Carurtan oo hami weyn u haya waxabarashada ayaa waxaa si lacag la aan ah wax looga baraa qol yar oo cooshado kasameysan, bugaagta iyo agabka wax lagu baro qaarkood mahaystaan, taas oo kuu muujinaysa daruufaha adag ee haysta Qoysaska caruurta, balse  waxaa kamuuqatay hami aad u sareeya ee ay u qabaan waxabarashada.

Gudoomiyaha gobolka Baay mudane  Cali Wardhaare Cabdiraxmaan oo maanta booqdey kaamka Tawfiiq ee ay kunoolyihiin qoysaska ayaa lahadley warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed, waxaana uu sheegay in la joogo waqtigii qof walba uu ka qeyb qaadan lahaa badbaadinta dadkan ku rafaadsan kaamka.

 


W/D:-Siraaji Sheekh Isxaaq

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Dekadaha XFS oo ka qeybgalaya shirka 34-aad ee Golaha Hay’adda Baddaha Adduunka.

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur,...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska Muqdisho ka furtay mashruuca Codka iyo Hoggaaminta Haweenka.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska Iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magaalada Rabat kula kulmay dhiggiisa dalka Morocco.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo Booqday Xarunta Dhexe ee Warbaahinta Malaysia.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska JFS,...