Dalxiiska oo leh qeexitaano kala duwan ayaa waxaa saldhig u ah Nabad iyo deganaasho+(Warbixin)

Date:

Muqdisho(SONNA) Iyadoo dalxiisayaasha ay sababta uย  sameeyaan dalxiiska ay tahay in ay helaanย ย  neecawย  aad u wanaagsan iyo gooba qurux lehย  oo lagu beeray geedo ilqabsi wanaagsan leh,tasoo nafta ay ka hesho arrimo badan oo horseeda u ahย  farxada.

Dalkeena Soomaaliya oo lagu tiriyo Wadamadaย  ku wanaagsanย  dalxiiska waxaa soo marnay sanada qurux badan oo uu qaabili jiray dalxiisayaal fara badan kana imaan jiray dalalkaย  Yurub, laatiin America iyo qaarado kalaย  oo aduunka ah, Balse waayahaasi quruxda badnaaย  ayaan suragelin mudoย  ku simanย ย  dhowr iyo labaatan sano, oo dalka ku jirayย  dagaalo kala duwan oo macnihiisa ahaa burbur.

Dadkeena Soomaaliyeed ayaan ka rajo dhigin in mar uun soo laaban doontoย  waayahii hore, taasooย  ay tusaale cad ay u tahay in 13-bishan Dowladda soomaaliya ay si buuxa ugu mid noqatay Xubinnimada Hay”adda Dalxiiska Qaramada Midoobay.

Goobaha dalxiiska wadanka ayaa hadda ah kuwa si wnaagsan loo diyaariyay hadanaย  ay taarikhda dalxiiska dalkeena macnahii ay lahayd ay wali jirto.

Qaar ka mid ah dadka Somaaliyeed oo sharxaya ahmiyada uu leeyahay dalxiiska waxay sheegeen in nafta ay u baahan yahay nasasho iyo aragtida qurxoon taasina ay sababto in Bulshada hormar ku hamiyaan intii ay dagaalo ka fakiri lahaayeen.

In mar uun lagu dalxiiso Bariga iyo Baddeenaย  qeybo ka mid ahย  ayaa waxaaย  hankaย  Ummadda Soomaaliyeed suurtageliyay Allaah ka sakoowย  ay ahaeen shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladda oo iskaashanaya,islamarkaana is aaminay.

Sidoo kale in dalkeena maanta lagu dalxiiso waxaa sababay Allaah ka sakoow geesiyaasha Ciidamada Qalabka Sida.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed oo ka hadlayay Arinta dalxiiska ayaa sheegay in caasimadda Soomaaliya ay ku yaalaan goobo muhiim oo taariikhi ah kuna haboon in loo dalxiis tago.

Goobaha Taariikhiga ah ee Muqdisho ku yaalo dalxiiskana ku haboon taariikhda ummadana baal dahab kaga jira ayaa waxaa ka mid ah Taalada Axmed Gurey,SYL, Dhagax tuur waana kuwa hada ka qeyb qaadanyo bilicda Caasimada Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaan weydiiyay jiritaanka caqabado ku hor gudban in la sameeyo dalxiis wuxuuna ku jawaaba.

โ€ haa waa jiraan lakiin halmar ma wada sameyn karoย  waxaan sameyn doonaaย  in dadka ay ka faa “iideystaan waxaan u diyaarinay dadkeena waana ka gudbi doonaa caqabadaha kalaย  insha allaah waad arki doontaa goobahaย  taarikhiga ah oo dadka ka faa iideysanayo,waxaana sameyn doona wax walbo taarikhda umadda ay lahayd inaan soo celino.

Dalxiiska oo dalka dhaqaalahiisa door muuqda ka qaato ayaa Wasaaradda Warfafinta Dhaqanka iyo dalxiiska ay sheegtay in ay sameyn doonta sharciga Dalxiisayaasha, isla markana hakin doonaย  dalxiisayaasha saldhigna looga dhigi doona Diinteena Suuban.

โ€œWaxaan diyaari doona sharuucdii dalxiiska oo dalkeena muhiim u ah, maxaa dalxiiska ku waajibย  ah waxa ay Dowladdaย  xaq ugu leedahay, maalgashiga sharuucdii ย hakin lahayd waana muhiiim mida anaga doonanayno inaa sameeyo, waxaan saldhig ugu dhigi doonaa insha allaah Diinta Islaamka anagu waxaa nahay dad somaalyeed waxaan Diinteenaย ย  iyo dhaqankeena ku wanaagsaneyna waan ka ilaali doonaa,โ€Ayuu yiri Wasiir Yariisow.

โ€œTani waa rajo wanagsan oo ay mudo badan ay ku taamayeen Umadda somaaliyeed in ay arkaan dalkooda oo horumaray si wadajir ahna ay ugu dalxiisaan ayaga iyo dadka Ajaniba ah,inta badana shacabka iyo dowladda oo iskaashanayo ayaa xaqiijiyay,โ€ Ayuu yiri Yaasir Maxamed Baafo oo ah Lataliyaha dhinaca dalxiiska ee Wasaaradda Warfaafinta XukuumaddaSoomaaliya

W/D: Abdirashiid Nuur Ibraahiim

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale