QM oo shaacisay iney sii kordhayaan tirada Qaxootiga Dhadhaab ee ku soo laabanaya Soomaaliya

Date:

Muqdisho(SONNA) Hoos u dhac ku yimaaday dhaqaalihii ku bixi jiray Qaxootiga ku dhaqan Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab Kenya iyo tirada dadka deegaansanaya Xeryahaasi oo hoos u dhacday ayaa horseedeysa in Qaramada Midoobay dib u soo celiso howlgaladeedii Xeryaha Dhadhaab,sida ay sheegtay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga Aduunka UNHCR.

Tirada guud ee inta badan dadka Soomaalida ah ee ku nool Dhadhaab ayaa hoos u dhac ku yimid qiyaastii kala bar sannadihii ugu dambeeyay – laga soo bilaabo sanadkii 2011-kii oo tirada Qaxootiga ay ahaayeen 464,500 ilaa 240,000  bartamaha Sebtembar, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Xafiiska UNHCR.

Miisaaniyadda xeryaha ayaa la jaray 70-boqolkiiba isla muddadaas, ayuu yiri afhayeenka hay’adda qaxootiga ee QM Yvonne Ndege.

Natiijada, ay heshay Qaramada Midoobay ayaa qorsheyneysa in ay xirto xafiiskeeda Alinjugur ee Dadaab bisha March ee soo socota.

Tallaabadan ayaa dhalisay dibad-baxyo ay ka soo qaybgaleen dadka deegaanka oo ka cabsanaya inuu hoos u dhac ku yimaado adeegyadii muhiimka ah ay helayeen, Sida uu qoray Wargeyska The Nation ee ka soo baxa Kenya.

Sidoo kale,Hay’adda Qaxootiga Aduunka ee UNHCR,ayaa shaacisay iney dhimeyso Miisaaniyada ay ku bixiso Ururada ka shaqeeya Xeryaha dhadhaab ee qaabilsan Hormarinta iyo is dhex galka Bulshada iyo waliba Hay’adaha kale ee NGO-yada ee ka shaqeey mashaariicda beeraha iyo waraabintooda.

“Iyadoo la tixgelinayo dadaalka isku dhafka ah ee socda, waxaa sidoo kale loo arkayay mid caqli gal ah oo lagu xoojinayo qorshaha hirgelinta, iyada oo la adeegsanayo kheyraad la dhimay,” Sidaasi waxaa tiri Ms Ndege oo ka jawaabeysay Fariimo loo diray.

Dib u soo celinta Qaxootiga.

Qaar kale oo ka mid ah 17,229-Qaxootiga Soomaalida ee ku dhaqan Xeryaha Dhadhaab   ayaa u diiwaan gashan inay ku soo noqdaan Soomaaliya, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Dib u celinta iskaa-wax-u-qabso waxay ku dhacdaa go’aanka shaqsiyaadka dib loo soo celinayo oo keliya,wuxuuna qorshahaan dhabaha u xaarayaa in qaxootiga mudada badan ku sugnaa xeryaha dhadhaab dib ugu soo laabtaan dalkooda kana qeyb qaataan dhismaha socda.

Toddobaadyadii la soo dhaafay, 832-Qaxooti Soomaali ah ayaa dib ugu soo noqday Soomaaliya gaar ahaan magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose halka 83-Qoysna laga soo dejiyay Muqdisho.

Inkastoo tiro yar oo ka mid ah Qaxootiga ay walaac ka muujinayaan dib u soo celinta ayaa hadana warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay waxaa lagu sheegay in badi Qaxootiga ku qanacsan yihiin dib u soo celinta dalkooda hooyo.

Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa Hay’adaha caalamiga ah ayaa qorsheyneysa sidii dib u dejin iyo shaqo abuuris loogu sameyn lahaa Qaxootiga dib u soo laabanaya.

W/Q: Daahir Aadan Ali

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Baydhabo ka daahfuray Shirka Madasha Arrimaha Bini’aadannimada

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Taliyaha Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo la kulmay saraakiisha Guutada 17-aad ee XDS

Taliyaha Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, Gaashaanle Sare Saahid...

Danjiraha Soomaaliya ee Burkina Faso oo Xoojinaya Iskaashiga Ganacsiga iyo Maalgashiga

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Burkina Faso, Danjire...

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda WHO oo Xoojinaya Iskaashiga Horumarinta Caafimaadka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...