Xarumaha Wasaaradaha Dowladda oo laga fuliyay ololaha nadaafadda

Date:

Muqdisho(SONNA) Maalinta ololaha nadaafadda ee khamiista ugu dambeysa bil walba oo uu horey Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre u go’aamiyay, ayaa maanta si weyn looga fuliyaya magaalaad Muqdisho, degmooyinka iyo xarumaha Dowladda intaba.

Xarumaha maanta laga sameeyey ololahaasi oo ku aadan dib u soocelinta bilacda waxaa kamid ah Wasaaradaha Warfaafinta iyo Ganacsiga Dowladda Soomaaliya,halkaasi lagu arkayaya shaqaale iyo maamul oo si wada jir ah uga qeyb qaadanaya ololahaasi.

C/llaahi Xayir Ducaale Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa warbaahinta Qaranka u sheegey in ay fulinayaan amarkii Dowladda ee ahaa in laga qeyb qaato ololaha nadaafadda Gaaar ahaan maanta oo kale oo uu horey u iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Khayre.

Agaasime Xayir ayaa ku booriyay shaqaalaha iyo maamulka waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda in qofkasta uu ka qaato kalinta kaga aadan sidii dib loogu soo celin lahaa bilicda magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Maanta  oo kale waa xiligii loo asteeyey  nadaafadda oo dalka dhan laga fulindoono, isbedelo dhanka bilacda ayaa laga dareemayaa magaalaad Muqdisho wixii ka dambeeyey markii madaxda Dowladda Soomaaliya ay sheegeen in maalinta Khamiista ah oo bilkasta dhamaadkeedi ku beegan la qabanayo ololahani nadaafadda.

Maalinta nadaafadda ayaa si weyn waxaa uga dhex muuqday qaar ka mid ah haya’daha dawladda, kuwaas oo ka hawl galaayey goobo kala duwan, isla markaana dadweynaha kala qayb qaatay.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Aqalka sare oo Ansixiyay sharciga daawada iyo agabka caafimaadka.

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay qaar ka mid ah hoggaanka Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta...

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeedayaa kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ayaa Muqdisho ku soo dhaweeyey wafdi ballaaran

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Mudane...