Xarumaha Wasaaradaha Dowladda oo laga fuliyay ololaha nadaafadda

Date:

Muqdisho(SONNA) Maalinta ololaha nadaafadda ee khamiista ugu dambeysa bil walba oo uu horey Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre u go’aamiyay, ayaa maanta si weyn looga fuliyaya magaalaad Muqdisho, degmooyinka iyo xarumaha Dowladda intaba.

Xarumaha maanta laga sameeyey ololahaasi oo ku aadan dib u soocelinta bilacda waxaa kamid ah Wasaaradaha Warfaafinta iyo Ganacsiga Dowladda Soomaaliya,halkaasi lagu arkayaya shaqaale iyo maamul oo si wada jir ah uga qeyb qaadanaya ololahaasi.

C/llaahi Xayir Ducaale Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa warbaahinta Qaranka u sheegey in ay fulinayaan amarkii Dowladda ee ahaa in laga qeyb qaato ololaha nadaafadda Gaaar ahaan maanta oo kale oo uu horey u iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Khayre.

Agaasime Xayir ayaa ku booriyay shaqaalaha iyo maamulka waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda in qofkasta uu ka qaato kalinta kaga aadan sidii dib loogu soo celin lahaa bilicda magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Maanta  oo kale waa xiligii loo asteeyey  nadaafadda oo dalka dhan laga fulindoono, isbedelo dhanka bilacda ayaa laga dareemayaa magaalaad Muqdisho wixii ka dambeeyey markii madaxda Dowladda Soomaaliya ay sheegeen in maalinta Khamiista ah oo bilkasta dhamaadkeedi ku beegan la qabanayo ololahani nadaafadda.

Maalinta nadaafadda ayaa si weyn waxaa uga dhex muuqday qaar ka mid ah haya’daha dawladda, kuwaas oo ka hawl galaayey goobo kala duwan, isla markaana dadweynaha kala qayb qaatay.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjire Cabdikarin Axmed oo warqadihii aqoonsiga u gudbiyay Madaxda Finland

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden Cabdikarin Axmed Maxamed...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th March, 2026

1- President Hassan Sheikh Mohamud led the Eid al-Fitr...

Hay’adda SODMA iyo Maamulka K/ Galbeed oo Bakool ka sameeyay howlo biyo dhaamin ah

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

CIID MUBAARAK 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Salaadda Ciidul...