Ganacsade C/naasir Yaasiin”Soomalida kunool Imaaraadka horumar ganacsi ayay sameeyeen mana jiraan wax caqabado ah”

Date:

Muqdisho(SONNA) Qaar kamid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta gaar ahaan magaalada Dubai ayaa ka hadlay horumaro dhanka ganacsiga ah oo ay sameynayeen sanadihii ugu dambeeyey ganacsatada Soomaaliyeed ee kunool Dalkaasi,kadib markii ay soo dhaweyn kala kulmeen Dowladda iyo Shacabka.

Waxaa sidoo kale ay beeniyeen wararka sheegaya in dhibaatooyin loogu geysto gudaha magaalada Dubai iyo meelo kale Soomaalida,taasi oo ay dhawaan sheegeen qaar kamid ah dadka ku dhaqan dalkaasi,C/naasir Yaasiin Jaamac o ka tirsan Ganacsatada Soomaaliyeed ee kunool Dalkkaasi imaaraadka Carabta ayaa SONNA uga warramay dhaq dhaqaaqa ganacsi ee Soomaalidu ay ku leedahay halkaasi.

“Dalkan Emaaraatka (UAE0 waa dalka labaad ee Soomalida ugu badani ay ku nool yihiin wadamada caalamka, waxaana dalkan ku dhaqan Soomaali gaaraysa 130.000 oo qof. Soomaalidu dalkan waxay ku leeyihiin ganacsi balaaran, waana wadan laga qadariyo dadka Soomaaliyeed, waxaa kale oo ay ka mid yihiin ciidamada difaaca iyo shaqaalaha dawladda Emaraatka, sidoo kale waa wadan qofka Soomaaliga ahi la xuquuq yahay shucuubta wadamada carbeed ka yimaada,mana jiraan inta aan ognahay dhibaatooyin dad lagu hayo”,Ayuu yir C/naasir Yaasin.

Sidoo kale C/naasir Yaasiin Jaamac ayaa sheegay in tan iyo burburkii dalka ay hoy u ahayd Imaaraadka Carabta Soomaali badan.

“Jaaliyadda (U A E) waxay shacab weynaha Soomaalida u sheegayaan,  maadaama wixii ka dambeeyay burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya uu meesha ka baxay isla xisaabtan dhab ah oo dhan kasta ah, in laga digtoonaado faafinta warar aan maangalka ahayn oo abuuraya colaad afeed, kala faquuqaya umadda Soomaliyeed iyo kuwa aynu ganacsiga, walaalnimada iyo ood wadaaga nahay’, Ayuu intaasi ku daray Mr C/naasir Yaasiin

Hadalkan ka soo baxay jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool Imaaraadka ayaa ka dambeeyey markii todobaadyadan ay soo bexeen warar sheegaya in  eedeymo ay so jeediyeen qaar kamid ah ganacsato ku dhaqan Dubai,kuwaasi oo warbaahinta u sheegay in dhibaatooyin ay la kulmaan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...