Madaxweynaha Puntland oo ugu baaqay shacabka in ay ka qeyb qaataan Argagixisada Alshabaab dagaalka lagula jiro “Sawirro”

Date:

Muqdisho (SONNA)   Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa Magaaladda Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari kula kulmay Saraakiisha Ciidamada, Waxgaradka iyo Bulshada magaaladaasi ku nool, kulankaasna waxaa looga hadlay guud ahaan xaaladda amaan ee Deegaanada Puntland.

Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa ka hadlay muhiimadda ay  leedahay in meel looga soo wada jeesto hadaf midaysana laga yeesho cadowga Ummadda Soomaaliyeed ee Al-shabaab, isagoo xusay in Puntland diyaar u tahay qorshe kasta  oo lagu afjarayo  Argagixisada kasoo horjeeda jiritaanka Soomaalinimada.

Madaxweynaha ayaa sheegay  in shacabka  looga baahan yahay isku duubni iyo inay ka midaysnaadan  wax kasta oo lasoo dersa, si loo soo gebagebeeyo fikirka Xagjirnimada ah ee burburinta ku saleysan.

Dhanka kale Nabadoonada iyo Waxgaradka Madaxweynaha Puntland uu la kulmay ayaa balanqaaday inay diyaar u yihiin kana midaysan yihiin wax kasta oo dhankooda looga baahdo, iyagoo  Maamulka uga mahad celiyey mashaariicaha horumarineed ee ay wadaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Masuuliyiin ka tirsan Dowladda oo kulan la qaatay beeraleyda Gobolka Shabeellaha Hoose

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS, Xildhibaan Maxamed Cabdi...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO BOOQASHO SHAQO KU TAGAY XARUNTA WASAARADDA WARFAAFINTA

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Kulan looga hadlayay xoojinta wacyigelinta adeegyada Aqoonsiga Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho

Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa magaalada Muqdisho...