Aqoon isweydaarsi ku saabsan maamulka Dowladdaha hoose oo ka furmay Baydhabo “Sawirro”

Date:

Muqdisho  (SONNA) Kulanka Aqoon isweydaarsiga ah ee maanta ka furmay magaalada Baydhabo isla markaana socon doono muddo dhoor maalin ah ayaa waxaa ka qeybgalayaasha lagu barayey casharo la xariira baahinta maamulada Dawladaha Hoose iyo Hanaanka Maamul u dhisidda Degmooyinka

Kulanka ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Wasaaradda arrimaha Gudaha ee dowladda Fadaraalka Soomaaliy, oo kaashaneysa Wasaaradda Arrimaha gudaha ee Koonfur Galbeed yo saraakiil ka tirsan hay’adda UNDP, iyadoo ka qeyb galayaasha la barayay hanaanka dhismaha dowladaha Hoose.

Shirka waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Degmada Baydhabo, Wakiilo ka kala socday Wasaaradaha Arrimaha Gudaha heer Federaal iyo Maamul gobaleedyada, Odoyaal dhaqameedyo, qaar ka mid ah Guddoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Baay iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada.

Guddoomiyaha Degmada Baydhabo Cabdullaahi Cali Watiin oo furay kulanka ayaa sheegay in muhiimad weyn ay u leedahay bulshada in loo dhiso maamul ay raali ku yihiin, isla markaana maamulka uu yahay mid la gaarsiinaayo meelkasta ee ay shacabku ku nool yihiin.

Dhanka kale Guddoomiyaha ayaa ku bogaadiyey Wasaarada arrimaha Gudaha iyo Fadaraalka iyo mida Koonfur Galbeed dadaalka ay ugu jiraan in ay ka hirgeliyaan deegaanada Koonfur Galbeed, maamulo shacabka u adeegaya isla markaana ku shaqeyn doona rabitaanka dadka deegaanada Koonfur Galbeed.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga dalka oo howlgal ka dhacay Gedo ku dilay dhagarqabayaal

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fuliyay howlgal si heer...

Madaxwaynaha Qaranka oo guddoomiyey shirka golaha wasiirada oo arrimo muhiim ah looga hadlay

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Wasiirka Warfaafinta oo bogaadiyay doorka Wakaaladda SONNA xilli ay u dabaaldegayso sanadguuradii 62-aad

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee wasaaradda

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...