Aqoon isweydaarsi ku saabsan maamulka Dowladdaha hoose oo ka furmay Baydhabo “Sawirro”

Date:

Muqdisho  (SONNA) Kulanka Aqoon isweydaarsiga ah ee maanta ka furmay magaalada Baydhabo isla markaana socon doono muddo dhoor maalin ah ayaa waxaa ka qeybgalayaasha lagu barayey casharo la xariira baahinta maamulada Dawladaha Hoose iyo Hanaanka Maamul u dhisidda Degmooyinka

Kulanka ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Wasaaradda arrimaha Gudaha ee dowladda Fadaraalka Soomaaliy, oo kaashaneysa Wasaaradda Arrimaha gudaha ee Koonfur Galbeed yo saraakiil ka tirsan hay’adda UNDP, iyadoo ka qeyb galayaasha la barayay hanaanka dhismaha dowladaha Hoose.

Shirka waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Degmada Baydhabo, Wakiilo ka kala socday Wasaaradaha Arrimaha Gudaha heer Federaal iyo Maamul gobaleedyada, Odoyaal dhaqameedyo, qaar ka mid ah Guddoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Baay iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada.

Guddoomiyaha Degmada Baydhabo Cabdullaahi Cali Watiin oo furay kulanka ayaa sheegay in muhiimad weyn ay u leedahay bulshada in loo dhiso maamul ay raali ku yihiin, isla markaana maamulka uu yahay mid la gaarsiinaayo meelkasta ee ay shacabku ku nool yihiin.

Dhanka kale Guddoomiyaha ayaa ku bogaadiyey Wasaarada arrimaha Gudaha iyo Fadaraalka iyo mida Koonfur Galbeed dadaalka ay ugu jiraan in ay ka hirgeliyaan deegaanada Koonfur Galbeed, maamulo shacabka u adeegaya isla markaana ku shaqeyn doona rabitaanka dadka deegaanada Koonfur Galbeed.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan loogu duceeyay shuhadadii naftooda u huray qaranka Soomaaliyedd ee CXD oo lagu qabtay Muqdisho

Wasiirrada Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, Waxbarashada, Dhaqanka iyo Tacliinta...

Kaaraan oo kaalinta 3-aad ka gashay Tartan Cilmiyeedka Ramadaanka ee Warbaahinta Qaranka

Tartamayaasha Degmada Kaaraaan ayaa ku guuleystay kaalinta 3-aad ee...

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS oo UK lagu soo dhaweeyey

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda...

Ciidanka Ururka 231-aad ee XDS oo ka jawaabay codsi ka yimid gabar da’yar oo qabta baahiyo gaar ah

Ciidanka Ururka 231-aad ee Guutada 23-aad (MP) ee Ciidanka...