Danjiraha Turkiga ee Somaliya oo ka hadlay Wada hadalada Dowlada Soomaaliya iyo Somaliland

Date:

Muqdisho (SONNA) Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Olgan Baker oo wareysi gaar ah siiyay Wakaalada Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA, si toos ahna looga daawanayay Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed, loogana dhageysnayay Radio Muqdisho ayaa kaga hadlay arimo badan oo ku saabsan Taageerada Turkiga uu siiyo Soomaaliya.

Waxyaabaha uu ka hadlay Safiirka waxaa ka mid ah Wada hadalada u dhaxeeya Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland oo dowlada Turkiga ay gar wadeen ka tahay.

Safiirka ayaa sheegay in wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland mudooyinkii dambe uu gaabis ku yimid Maadaama Soomaaliya ay ka dhacday Doorasho, taasoo si weyn ay ugu mashquuleen, sidoo kalena Maamulka Somaliland ay qorsheynayaan in doortaan maamul cusub, Safiirka ayaa balanqaaday markii ay dhacdo Doorashada Somaliland, oo maamulka la doorto uu xafiiska la wareego inay dib u balaabi doonaan Wada hadalada lana dardar galin doono.

Sidoo kale Olgan Baker wuxuu carabka ku dhuftay in Dowlada Turkiga ay ka war heyso in Hogaamiyeyaasha Dowlada Federaalka iyo kuwa Somaliland ay si wadajir ah diyaar ugu yihiin in guul laga gaaro wada hadalada, si dhaqso ahna loo bilaabo.

Sidoo kale Wareysiga uu siiyay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Wakaaladda SONNA wuxuu kaga hadlay Doorashada Qof iyo Cod oo la rajeynayo in Soomaaliya ay ka dhacdo 2020-ka, wuxuuna sheegay in Kaalin weyn ay ka qaadan doonaan sidii loo hirgalin lahaa, isagoo xusay in Turkiga uu balaarinayo aqoonta Guddiyada ka shaqeynaya doorashada, Tababaro badana ay siin doonaan.

Safiirka wuxuu balanqaaday in Dowlada Turkiga ay dadaal kasta u sameyn doonto sidii Doorashadaasi ay u guuleysan laheyd, Soomaaliyana ay ku garab taagan yihiin sidii ay kaga talaabsan laheyd halka joogto.

Wareysiga Safiirka Turkiga ee Soomaaliya oo Dhameystiran Goordhow ka Filo Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga dhijitaalka ah

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...