Xiriirka ย Soomaaliyeed ee kubadda Miiska ayaaย magaalada muqdisho ย ย tababar heer caalami ah uga furay ย garsoorayaasha kubaddaย Miiska, waxaana xaflada furitaanka kasoo qeyb galay masuuliyiin ka socotayย ย Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, Madaxdaย xiriirada, Masuuliyiinta xiriirka kubadda Miiskaย iyo qabiirkaย tababarkan bixinaya oo udhashay dalkaย Masar.
Tabarkan oo socon doona muddo 7ย ย maalmood ah waxaanย ย ka faaโiideysan doonaย 33 garsoore oo u u badan garsoorayaalย daโyar, waana kii labad oo heerย caalami ah oo dalka lagu qabto kadib 2012.
Qabiirkaย ย tababarkan bixinayaย Mohamed ย Refaat Mohamedย oo u dhashay dalka Masarย ย ayaa sheegay inย jeceyl uu u qabo Soomaaliya uuย u ogolaaday inuu tababarkan bixiyo, isagoo Luxuburg shaqo u joogana ay fariintan soo gaartay si toos ahna uu Soomaaliya usoo aaday.
โ ย Waaย markii labaad oo aan koorsadanย ka bixyo Soomaaliyaย kadib 2012 , ย Koorsadan waa heer caalami oo aad ku helaysaan shahaadoย qiimo weyn ku fadhidaย waxaan si gaar ah ula hadlayaaย Gabdhahaย ย tababarkan ka qeyb qaadanaya, waayo qaaradda Afrika kaliya afar gababar ayaa tartmada heerka caalami uga qeyb gala, waxaan doonayaa in ay Soomaaliya kasoo baxaanย ย Wiilal iyo Gabadhoย tartamada qaaradda iyo kwua heerka caalamiย ย garsoor ka noqda,โ ayuu yuri Khabiir Mohamed.
Guddoomiyaha ย Xiriirka kubadda Miiskaย Maxamed Xaaji CaliXaaji oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ย ย Xiriirka uu diyaar u yahay soosaarista garsoorayaal daโyar ooย musatqbal wanaagsan ku yeeshaย ย ciyaarta kubadda Miiskaย heer caalamina ka gaara.
Guddoomiyaha ayaa intaa kudaray in Xiriirka kubadad Miiska oo taariikh wanaagsan ku leeyahayย ย qaarada afrikaย ย isla markaana uu bilado dahab ahย dalka usoo hoyaanย taana ayย ย muhiim tahay in dib loosoo celiyo si looย helo ciyaartoy tayo lehna ay muhiim tahay in la helo garsoor tayo leh.
Guddoomiyaha ayaa ย ugu ย ka qeyb galayaashaย kula dardaarmay si joogta ah usoo xaadiraan uga faaโiideysan kooradan muddada 7 maalin ah ee ay socon doonto.
Ugu damabeyn waxaa seminaarka u furay Gudoomiye ku xigeenka Gos ahna Ku-simahaย Guddoomiyaha Axmed Cabdi Xasanย Wataac, waxuunna sheegay in Guddigaย Olombikadaย uu soo dhaweynayo dadaalka uu xiriirkaย ย ย ugu jiro horumarinta aqoonta garsoorka oo ah laf-dhabarka xiriirka, waxuuna intaa kud aray in dadaalka uu halkiisaย kasii wado dhamaan xiriirada dalkana laga doonayo in ayย sare u qaadan aqoontaย qeybaha kake gedisan ee isbootiga si loo gaaro horumarย ciyarahaย dalka oo dhan.
Hogaanka cusub ee Xiriirka kubadda Miiskaย iyo tanย iyo doorashadiisaย 31 January ee sandkan ku qaaday talaabooyin horumnineed oo muuqda, sidaย tayaynta garsoorka , ka qeyb galka ciyaaraha heerka caalami,ย sareย u qaadiddaย ย tirada naadiyada.