Shacabka Kurdiyiinta Ciraaq oo maanta u dareeraya goobaha aftida ay kaga go’ayaan Ciraaq

Date:

Ciraaq(SONNA) Waxaa maanta loo dareerayaa codbixinta aftida laga qaadayo shacabka Kurdiyiinta ee Waqooyiga Ciraaq,taasi oo ku aadan in ay noqdaan Dal madax banaan, oo ka go’ay Ciraaq inteeda kale.

Dadka ayaa u dareeraya goobaha codbixinta,iyagoo go’aan ka gaaraya masiirkooda, balse taasi ayaa waxaa ka soo horjeeda Dowladaha Ciraaq iyo Turkiga iyo wadamo kale ee caalamka kamid ah.

Dhanka kale Madaxwaynaha dowladda goboleedka Kurdiyiinta Waqooyiga Ciraaq Masoud Barzani ayaa wacad ku maray in uu sii wadi doono aftida lagu wado maanta in ay dhacdo kadib shir jaraaid uu qabtay.

Mr Barzani ayaa sheegay in iyada oo ay jirto in ay sii kordhayaan baaqyada ah in la joojiyo aftida barito in hadana qorshaha aftida uu sii socon doono.

Waxa uu sidoo kale balanqaaday in wadahadalo uu la yeelan doono dowlada Ciraaq si natiijada aftida loo dhaqangaliyo.

Waxaa sii kordhayay cadaadis iyo baaqyada ku aadan in aftida Kurdiyiinta waqooyiga Ciraaq dib loo dhigo.

Dowlada Iran oo si wayn uga soo horjeeda aftidan Kurdiyiinta Waqooyiga Ciraaq ayaa joojisay duulimaadyadii ka imaan jiray iyo kuwii gali jiray gobolka Kurdiyiinta.

Xukuumadda Tehran ayaa sidoo kale bilawday dhoolatus militari oo ay ka samaynayso xudduuda Waqooyiga Ciraaq,iyadoo sidoo kale Dowladda Turkiga ay dhankeeda wada dhoolatus militari .

Labada dal ba waxa ay muujiyeen sida ay uga soo horjeedaan aftida barito lagu wado in ay ka dhacdo Waqooyiga Ciraaq.

Turkiga iyo Iran ayaa waxa ay ka cabsi qabaan in aftidani ay dhaliso kacdoon ay sameeyaan Kurdiyiinta laga tirada badan yahay ee ku nool dalalkooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Abaar daran oo saameysay dadka iyo duunyada oo ka taagan gobolka Mudug.

Gobolka Mudug waxaa ka taagan abaar daran oo si...

Soomaaliya oo markii ugu horreysay la wareegtay hoggaanka Golaha Ammaanka ee QM.

Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ula...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya.

Muqdisho, Arbaco, 31 Diseembar 2025: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta Israa’11l oo ka dhacay Baladweyne.

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa maanta martigelisay...