Safiirka Soomaaliya ee Mareykanka oo ka qeybgalay shirk u saabsanaa arrimaha Soomaaliya

Date:

Minnesota(SONNA)  Shirkani oo halku dhigiisa uu ahaa hiigsiga Soomaaliya ee 2021 ayaa lagu daah furay magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka.

 

Waxaa soo qaban qaabiyayt Shirkani ururka Ka-Joog iyo guddi gaar ah oo ka shaqeynayaa horumarka Soomaaliya,waxaa ka soo qeyb galay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Washington,wakiilo ka socday aqalka cad ee loogu arrimiyo Maraykanka iyo dhalinyaro wax ku baratay dalka Maraykanka.

 

Shirkani ayaa waxaa uu socon doonaa mudo laba Maalin ah,iyadoo lagu soo gaba gabayn doonaa Jaamacada Minnesota lagana soo saari doono warmurtiyeed ku qotoma wax yaabihii shirkaasi ka soo baxo.

 

Danjiraha Soomaaliya ee dalka Mareykanka Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in shirkan uu yahay mid muhiim u ah dadka Somaaliyeed isla markaana ay ka qeybgaleen dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka wax ku bartay.

 

Madaxa ururka Isuroon ee ka dhisan Dalka Mareykanka Fartuun Weli oo ka mid ah aqoon yahanada shirkani ka hadlay ayaa sheegtay in haweenka Soomaaliyeed dowr weyn ay ka qaadan karaan dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...