Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay Mowqifka Soomaaliya ee Khaliijka iyo Arrimo kale

Date:

Muqdisho (SONNA) – Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay ku-Simaha Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Mahdi Maxamed Guled (Khadar). Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Amniga Qaranka, Mowqifka Soomaaliya ee Arrimaha Khaliijka, Miisaaniyada 2018 iyo arrimo kale.

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa ugu horreyn golaha siiyey warbixin la xiriirta xaalada amniga guud, sheegeyna in hay’adaha amniga ay laba jibaarayaan howlgalada xasilinta, shacabkana laga codsaday inay hay’adaha amniga kala shaqeeyaan sidii dalka loo nabadeyn lahaa. Maanta oo ah maalintii nabadda, caalamkana u dabaaldegayo, ayaa Golaha Wasiiradu waxey ugu baaqeen shacabka Soomaaliyeed in nabada la wada ilaashado, horumarka dhanka amnigana u baahanyahay in la wada xajisto.

Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa Golaha Wasiirada u sheegay muhiimada illaalinta sharciga iyo nidaamka dowladeed, ka dibna Golaha Wasiiradu iyagoo tixgelinaya xaalada dalku ku sugan yahay ayaa waxey isla garteen arrimahan ku aadan mowqifka Soomaaliya ee ku wajahan khilaafka Khaliijka Carabta:

1.Golahu waxay si adag u ayideen mowqifkii Dawladda Federaalka ee bishii Juun 2017-ka ee qeexayey in Soomaaliya ay door dhexdhexaad ah ka taagan-tahay muranka wadamada khaliijka qaarkood, una aragto in khilaafka jira lagu xaliyo si nabadgelyo ah oo ay wallaaltinimo iyo diblomaasiyad ku dheehan tahay.

2.Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay ku guuleysatay wadashaqeynta Dawladda Dhexe iyo dawlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka, iyadoo qabatay labo shir lixdii bilood ee ugu dambeysey, taasoo ay muhiimadeedu aheyd ka wada shaqeynta xoojinta amniga iyo midnimada qaranka.

3.Sida ku cad qodobka 54aad ee Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, Dowlada Federaalka oo kaliya ayaa awood u leh go’aan ka gaarista arrimaha dibedda, Difaaca, muwaadinimada, socdaalka iyo siyaasada Lacagta.

4.Soomaaliya weligeedba doorkeedu waxuu ahaa in aynaan waddamo wallaalo ah la kala safan oo marwalba laga shaqeeyo wadajirka waddamada Carabta, Afrika iyo kuwa Islaamka ah. Doorkii Soomaaliya ee Heshiiskii Camp David ee dhamaadkii 70-naadkii waxuu ahaa in Soomaaliya ay diidday in xiriirka loo jaro dalka Masar, taas oo keentay in markii danbe ee ay waddamadii Carbeed heshiiyeen in go’aankeenii dhex-dhexaadka ahaa la wada ammaanay. Sidoo kale go’aankan muranka wadamada Khaliijka qaarkood oo Golaha Wasiiradu maanta mar-labaad ayiday, waxaa soo dhoweeyey shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan iyo weliba beesha caalamka.

Golaha Wasiirada ugu dambeyntii ayaa warbixin ka dhageystay Wasiirka Maaliyada ee ku aadan Miisaaniyada 2018-ka iyadoo la isku raacay isu-diyaarinta iyo hab-raaca nidaamka Maaliyadeed ee keeni kara isla xisaabtan, hufnaan iyo maamul wanaag.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...