Qaxooti Soomaaliyeed oo lagu xiray Yemen

Date:

Hatramuut(SONNA)–Qaxooti Soomaali ah ayaa lagu xir-xiray Koonfuta Gobolka Hadhramaut ee dalka Yemen sida ay sheegeen mamulka gobalkaasi.

Booliska Gobolka Hadhramaut ayaa xaqiijiyay ina ay qabteen 200 oo qaxooti Somali ah, kuwasi oo ku socday hab sharci darro ah ama aanan wadanin dukumintiyo sharciyeysan.

Qaxootigan oo ay ku jireen Caruur,Dumar ayaa soo gaaray yemen, sida ku qorneed War saxafadeed ka soo baxay Xarunta Booliska ku yaaalo Degmada Mayfa ee koonfurta gobolka Hadhramaut, sida ay sheegayaan warar laga helay Ciidamada amniga ayaa waxa sheegayaan in  dadkii la hayay loo gudbiyay xerada qaxootiga ee African ee ku taaalo koonfurta gobolka Shabwa ee Yemen.

Warbixin ay soo saartay  hayda UN-ka ee arrimaha qaxootiga  ayaa sheegayo in qaxootiga Africanka ah ee soo gaarayay Yemen tan iyo billowgii 2017-ka inuu dhaafay 30,000 oo Ruux.

Qaxootiga badanaa taga yemen ayaa waxaa la sheegaa in halkaaa ay joogan muddo kooban kadibna isku dayaan inay u gudbaan wadanka Shidaalka qaniga ku ah ee Saudi Arabia.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah 

Dowladaha Soomaaliya iyo Spain ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad...

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo xilalka ka qaaday laba Wasiiru Dowle

Muqdisho, Khamiis, 26 Maarso 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Taliyaha CXDS oo booqday Askartii kusoo dhaawacantay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud,...

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta oo Kormeer ku tagay Xarunta taliska

Kusimaha Wasiirka ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha...