TALIYAHA CIIDANKA XDS OO SHIR GUDDOOMIYAY SHIRKA SUBAXLAHA EE TALISKA GUUD EE CIIDANKA

Date:

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta guddoomiyay shirka subaxlaha ee Taliska Guud ee Ciidanka XDS, kaas oo looga hadlay dardargelinta howlgallada socda, horumarinta iyo dib-u-habeynta Ciidanka XDS, iyo u diyaar-garowga la wareegidda mas’uuliyadda amniga qaranka ee lagala wareegayo Ciidamada Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Shirka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amni ee guud ahaan dalka, u diyaar-garowga munaasabadaha maalmaha xorriyadda, xoojinta howlgallada socda, iyo kor u qaadista heerka diyaar-garowga Ciidanka XDS si ay u gutaan waajibaadkooda qaran.

Intii uu Socday Kulanaka Saraakiisha kala duwan ayaa warbixino ka bixiyay howlaha socda iyo qorshayaasha lagu horumarinayo awoodaha iyo waxqabadka Ciidanka XDS, iyadoo si gaar ah loo adkeeyay muhiimadda iskaashiga, wada-shaqeynta, iyo isku-duwidda dadaallada lagu xaqiijinayo amniga Caasimadda Muqdisho, iyadoo ay si dhow uga wada shaqeynayaan dhammaan hay’adaha amniga ee dalka.

Screenshot

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...