Guddoomiyaha Gobolka oo dhallinyarada ku booriyay xoojinta Nabadda

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay in maanta oo ku beegan maalinta Nabadda Adduunka ay muhiim tahay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay u istaagaan xoojinta Nabadda, ayna ka hortagaan cidkasta oo carqaladeyneysa Nabadda Dalka.

Guddoomiyaha oo ka hadlayay munaasabad lagu weyneynayay xuska maalinta Nabadda adduunka 21-ka September oo ku beegan maanta ayaa sheegay in dhallinyarada looga baahanyahay inay doormuuqdo ka qaataan Nabadeynta dalka oo ay ka hortagaan kooxaha xagjirka ah ee doonaya inay Soomaaliya ka dhigtaan meel gabaad ah.

Guddoomiye Thaabit Cabdi Maxamed ayaa xusay in dhallinyarada ay 75% isla markaana haddii ay gacmaha is qabsadaan ay ka soo dhallaali karaan doorka uga aadan ka shaqeynta Nabadda dalka, isla markaana maamulka Gobolka uu isna gacan ka geysan doono sidii dhallinyarada loogu abuuri lahaa fursado shaqo.

“Maanta oo ah maalinta Nabadda adduunka, ardaydii ayaa ka qeyb gashay si ay ugu dhiiri geliyaan dadka ka shaqeynaya Nabadda, waxaan marlabaad ku celinayaan in aan u istaago ka shaqeynta Nabad iyo Nolol, Hambalyo Hambalyo” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee ku sugan Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan miro-dhal ah...

Ciidanka Xoogga oo fashiliyey weerar khawaarijtu ku qaadeen deegaanka Jabad Godane ee G/ Shabeellada Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fashiliyey weerar ay maleeshiyada...

Safaaradda Shiinaha oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari

Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya ayaa hambalyo diiran...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Boqor Burhaan Boqor Muuse

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...