Faah faahin ku saabsan kulamo dhex marey Ra’iisul Wasaare Khayre iyo madax kaladuwan ee caalami ah+Sawirro

Date:

Muqdisho(SONNA)  Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xassan Cali Khayre iyo wafdigiisa oo kusugan magaalada Newyork ee Mareykanka ayaa weli kulamo gooni gooni ah laleh madax kaladuwan,wuxuu kulan gar ah la yeeshay madaxda wadamo dhoowr ah oo ay ka mid yihiim Madaxweynaha dalka Turkey Recep Tayyip Ordogan, Madaxda Midowga Yurub, Dowlada Norwey, iyo Madaxkale oo aad u baddan.

Sida ay Wakaaladda SONNA u sheegeen Madax la socota R/wasaaraha ,Kulamadaan ayaa diirada lagu saaray xoojinta xiriiradda dawladahaas iyo Soomaaliya, iyadda oo siweyn loogu lafo guray kaalinta ugu haboon ee ay dowladahaasi kaga caawin karaan Soomaaliya dhinacyada Horumarka, Dhaqaalaha, Ammaanka iyo Maamul wanaaga.

Mudane Xassan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo uga warbixiyay madaxddii uu la kulmay halka ay marayso xaaladda dalka Soomaaliya, ayaa sheegay in Soomaaliya ay wax weyn iska badaleen,isla markaana ay ka soo kabanayso dhibaatooyinka mudada jiray.

Waxa uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ka warbixiyay dagaalka ay kula jiraan Kooxaha Nabad diidka iyo Qaswadayaasha, isagoo sheegay in dowladdu ay guulo la taaban karo ka gaartay dhinaca ammaanka isla markaana ay si dar dar leh ku wadaan dhismaha ciidanka Qranka Soomaaliyeed si loo helo awood muuqata oo hanata gebi ahaan amniga Dalka.

Waxaa sidoo kale lagu wadaa in uu kulamo la qaato Madax sare oo ka socota dowladda Mareykanka iyo dalalka kale ee daneeya arimaha Soomaaliya.

Maalinta jimcaha ee nagu soo beegan ayaa lagu wadaa in Ra’iisul Wasaaruhu  uu xarunta Qaramada Midoobay ka jeediyo qudbadiisii uu ugu talo galay sanadkan 2017  in uu ku soo bandhigo shirkan,taas oo noqonaysa midii ugu horeeysay ee Qaramada midoobay  uu ka jeediyo.

Mudane Xassan Cali Kheyre ayaa Markii uu soo gaaray New York shirkiisii ugu horeeyay la qaatay Wasiirka arimaha dibada ee Ruushka  ayaga oo ka wada hadlay xariirka labada dal.

Dhanka kale wasiirada ku wehliyay socdaalkiisa  ayaa sidoo kale dhankooda ka qeybgalayay shirar ay yeelanayaan wasiiro ka socda Dalalka ka qeybgalaya shirka iyo madax ka socta beesha caalamka,waxaana socda Mowjado shirar ah oo ay dowladuhu isku dhaafsanayaan arrimaha dalalkooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiisyo dhowr ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi,...

Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay maareynta ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka kadib 32 Sano

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyey...

DFS oo beenisay wararka ku saabsan heshiis qarsoodi ah oo ay la gashay Dowladda Sweden

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda u beenineysaa warbixinnada...