Faah faahin ku saabsan kulamo dhex marey Ra’iisul Wasaare Khayre iyo madax kaladuwan ee caalami ah+Sawirro

Date:

Muqdisho(SONNA)  Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xassan Cali Khayre iyo wafdigiisa oo kusugan magaalada Newyork ee Mareykanka ayaa weli kulamo gooni gooni ah laleh madax kaladuwan,wuxuu kulan gar ah la yeeshay madaxda wadamo dhoowr ah oo ay ka mid yihiim Madaxweynaha dalka Turkey Recep Tayyip Ordogan, Madaxda Midowga Yurub, Dowlada Norwey, iyo Madaxkale oo aad u baddan.

Sida ay Wakaaladda SONNA u sheegeen Madax la socota R/wasaaraha ,Kulamadaan ayaa diirada lagu saaray xoojinta xiriiradda dawladahaas iyo Soomaaliya, iyadda oo siweyn loogu lafo guray kaalinta ugu haboon ee ay dowladahaasi kaga caawin karaan Soomaaliya dhinacyada Horumarka, Dhaqaalaha, Ammaanka iyo Maamul wanaaga.

Mudane Xassan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo uga warbixiyay madaxddii uu la kulmay halka ay marayso xaaladda dalka Soomaaliya, ayaa sheegay in Soomaaliya ay wax weyn iska badaleen,isla markaana ay ka soo kabanayso dhibaatooyinka mudada jiray.

Waxa uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ka warbixiyay dagaalka ay kula jiraan Kooxaha Nabad diidka iyo Qaswadayaasha, isagoo sheegay in dowladdu ay guulo la taaban karo ka gaartay dhinaca ammaanka isla markaana ay si dar dar leh ku wadaan dhismaha ciidanka Qranka Soomaaliyeed si loo helo awood muuqata oo hanata gebi ahaan amniga Dalka.

Waxaa sidoo kale lagu wadaa in uu kulamo la qaato Madax sare oo ka socota dowladda Mareykanka iyo dalalka kale ee daneeya arimaha Soomaaliya.

Maalinta jimcaha ee nagu soo beegan ayaa lagu wadaa in Ra’iisul Wasaaruhu  uu xarunta Qaramada Midoobay ka jeediyo qudbadiisii uu ugu talo galay sanadkan 2017  in uu ku soo bandhigo shirkan,taas oo noqonaysa midii ugu horeeysay ee Qaramada midoobay  uu ka jeediyo.

Mudane Xassan Cali Kheyre ayaa Markii uu soo gaaray New York shirkiisii ugu horeeyay la qaatay Wasiirka arimaha dibada ee Ruushka  ayaga oo ka wada hadlay xariirka labada dal.

Dhanka kale wasiirada ku wehliyay socdaalkiisa  ayaa sidoo kale dhankooda ka qeybgalayay shirar ay yeelanayaan wasiiro ka socda Dalalka ka qeybgalaya shirka iyo madax ka socta beesha caalamka,waxaana socda Mowjado shirar ah oo ay dowladuhu isku dhaafsanayaan arrimaha dalalkooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah 

Dowladaha Soomaaliya iyo Spain ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad...

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo xilalka ka qaaday laba Wasiiru Dowle

Muqdisho, Khamiis, 26 Maarso 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Taliyaha CXDS oo booqday Askartii kusoo dhaawacantay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud,...

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta oo Kormeer ku tagay Xarunta taliska

Kusimaha Wasiirka ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha...