Culimada Soomaaliyeed oo Cambaareysay Xasuuqa lagu hayo Muslimiinta Burma

Date:

Muqdisho (SONNA) Kulankan oo Golaha Guud ee Culimada Soomaaliyeed ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay  ku Cambaareeyeen falalka xasuuqa ah ee lagu hayo Muslimiinta  Rohinga ee  wadanka Burma, kuwaasi oo loo geysanayo Xadgudubyo meel ka dhac ku ah Xuquuqda Aadanaha.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay  Macalimiinta Dugsiyada qur’aanka kariimka ee gobolka Banaadir, Culimaa’udiin iyo Aqoonyahano, waxaana diirada  lagu saaray dhibaatooyinka  lagu  Xasuuqayo  Muslimiinta Burma

Qaar ka mid ah Culimaa’udiinkii ka hadlay goobta ayaa si kulul u cambaareeyay shacabka iyo dowlada Burma , dhibaatooyinka  xasuuqa  ah ay ku hayaan  Muslimiinta  ku  nool  wadankaasi.

Madaxa Xiriirka Guud ee Golaha Cullimada  Soomaaliyeed Shiikh Cumar Cali Rooble  oo kahadlay goobta ayaa wax laga xumaado ku timaamay  dhibaatooyinkaasi lagula kacayo Muslimiinta Rohinga ee wadanka Burma.

Ku simaha Golaha Guud ee Culimada Soomaaliyeed Shiikh Sayid Abaa Cali ayaa ugu baaqay Culimaa’udiinka Soomaaliyeed iyo dhamaan Muslimiinta  in ay gacan ka geystaan sidii loogu gurman lahaa Muslimiinta la xasuuqayo.

Muddooyinkan ayaa waxaa isa soo tarayay Xasuuqa iyo Dilalka lagu hayo Muslimiinta Rohinga ee wadanka Burma.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...