Wasaaradda gaashaandhiga Soomaaliya oo Sheegtay in Ciidamada Xoogga ay Awood u leeyihiin Hanashada Amaanka guud ee Dalka

Date:

Muqdisho (SONNA) Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/llaahi Colaad Rooble oo socdaal shaqo ku maraya Gobolada Bay, Bokool iyo Gedo, ayaaa sheegaya in Ciidamada Xoogga Dalka ay a wood u leeyihiin hanatashada Amniga guud ee dalka,ayna kala wareegi karaan AMISOM.

Wasiir C/llaahi Colaad Rooble oo la hadlay Warbaahinta Qaranka isagoo ku sugan magaalada Baydhabo ayaa sheegay in ujeeda ugu weyn ee socdaalkooda ay aheyd in u kuurgalka xaaladda dhabta ah ee ciidamada Xoogga Dalka ee xarumaha ku kala leh Gobolada Bay, Bokool iyo Gedo, maadaama la doonayo in Ciidamada Soomaaliyeed ay kala wareegaan AMISOM guud ahaan amniga dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in inta badan deegaanada Sedexdaasi gobol ay ku suganyihiin  Ciidamada Xoogga Dalka oo meelaha qaar aysan la joogin ciidamada AMISOM, iyagoona ku guuleystay sugida amniga iyo inay wada shaqeyn fiican la yeeshaan dadka shacabka ah.

Wasiirka ayaa sheegay in Wafdiga la socday ay ku jireen Saraakiil ka socda Hay’addaha dhaqaalaha ku taageera AMISOM, oo iyagana aad ula dhacay in meel kasta ay ku sugan yihiin ciidamada Xoogga Dalka oo si weyn u diyaarsan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...