Dibad baxyo looga soo hor jeedo xasuuqa Muslimiinta Rohinga oo ka dhacay K/Afrika

Date:

Muqdisho(SONNA) Boqolaal kamid ah bulshooyinka Muslimiinta ah ee kunool Dalka Koonfur Afrika oo Soomaaliya ay ku jirto ayaa sameeyey banana baxyo ballaaraan oo looga soo hor jeedo xasuuqa lagu haayo shacabka muslimiinta ah ee Rohingya ee Dalka Myanmar.

Waxaa kamid ah magaalooyinka dibad baxyadaasi ay ka dheceen Cap-Town iyo Pretoria iyo Johanesbeeg, kuwaasi oo isugu soo baxay waddooyinka waaweyn,iyo xarumaha Dowladda,waxayna ku dhawaaqayeen hal ku dhigyo ka dhan ah gumaadka lagu hayo Muslimiintasi Rohingya.

Dadkani oo isugu jiray culimaa’udiin,dhalinyaro iyo qeybaha bulshada ayaa ku baaqey in si deg deg ah loo joojiyo,iyadoo loogu baaqay  Qaramada Midoobey iyo Dowladda Mynmar in ay wax ka qabtaan dhibaatooyinkaasi.

“Waxaan halkani isugu soo baxnay waxay tahay, waxaana ka soo horjeednaa xasuuqa loo geysanayo dadka muslimiinta ah oo walaaleheena ah,dad cadownimo islaam ah lafaha ka gashey ayaa geysanaya,waxaan ugu baaqeynaa Qamarada midoobey iyo Dowladda Myanmar in ay si dhaqsi leh ay wax uga qabtaan gabood falkaasi,arrintaasi ayaan isugu soo baxnay”, sidaasina waxaa ku yiri qaar ka mid ah banaan baxyaashaasha

Dadkani oo ayaa watay boorar ay ku qornaayeen sawirada Muslimiinta Rohinga oo dhibaatooyinka loo geysanayo iyo haweeneyda madaxweynaha ka ah Dalkaasi,waxaana sawirka micno ahaan laga dareemayaa in hogaamiyaha Barma Ansn Suki looga baahan yahay in Dowladeedeeda ay wax ka qabato arrintaasi.

Madaxda Muslimiinta ah ee kunool Koonfur Afrika ayaa warqad qoraal ah oo ay ku codsanayaan joojinta xasuuqa Rohinga u gudbiyay Safaaradda Dalkaasi ee Koonfur Africa

Kumanaan ayaa ka barakacay guriyohooda,iyadoo boqolaal kale  siyabooyin kala duwan dil wadareed loogu geystay dalka Barma,kumanaan qoys oo ka gudbay xadka ay wadaagaan labada dal Myanmar iyo Bangladesh ayaa  ku sugan gudaha dalkaasi Bangaladhesh.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo ka qeybgalay munaasabad isugu jirtay soo-dhaweyn iyo sagootin Aas-aaska Ciidanka Booliska

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa Muqdisho ka Furay Shir Qaran oo Lagu Dardargelinayo Ka-Jawaabista Abaaraha Dalka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee...

Munaasabada xuska ciidanka Booliiska oo goordhow ka bilaaban doonta Muqdisho

Waxa maanta oo ah 20-ka bisha disember si weyn...