Wareegii u dambeeyay ee doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle oo socota

Date:

Jowhar (SONNA) Waxaa wali magaalada Jowhar ka soconeysa doorashada Madaxweynaha Maamulka hirshabeelle, iyada oo loo gudbay wareegii saddexaad ee doorashada, kadib markii ay dhammaadeen labadii wareeg ee hore.

Doorashada oo ay ku tartamayeen 8 Musharax ayaa waxaa isugu soo haray wareegga hadda socda ee saddexaad labo Musharax oo kala ah Maxamed Cabdi Waare oo helay 44  iyo Daahir Cabudlle oo helay  20 Cod

Waxaa gobta ku sugan mas’uuliyiin katirsan Dowladda Soomaaliya,guddiga doorashada iyo marti sharaf kale kuwaasi oo u kuurgalaya qaabka ay doorashda u dhacayso.

Saacadaha soo socda ayaa lafilayaa in maamulka Hirshabeele uu yeesho madaxweyne,Waxaana soo dhammaaday codadka ay dhiibanayeen Xildhibaanada, iyada oo ay hadda socoto tirinta codadka wareegga saddexaad.

 

Waxii kusoo kordha kala soco SONNA

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee degmada Gaalkacyo oo maanta soo gabagabowday.

Diiwaangelinta doorashooyinka Qof iyo Cod ee degmada Gaalkacyo ayaa...

Guddoomiyaha dhallinyarada Gobolka Banaadir oo ka dhiidhiyay faragelinta YH-da ee dalkeenna.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Gobolka Banaadir, Cumar Faaruuq, ayaa si kulul...

Culimada Soomaaliyeed oo banaanbax ka dhan ah Xadgudubka Israa’11l ka dhigay Taallada Daljirka Dahsoon.

Banaanbax ballaaran oo ay soo abaabuleen Culimada Soomaaliyeed ayaa...

Guddoomiyaha Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed oo ka hadlay faragelinta Israa’11l.

Guddoomiyaha Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Suufo Yare, ayaa...