Mareykanka oo Dowladda Soomaaliya ku amaanay horumarka laga gaaray hanaanka Dimoqraadiyada

Date:

Muqdisho(SONNA) Iyadoo dunida maanta laga xusayo maalinta Caalamiga ah ee Dimoqraadiyadda adduunaka ayaa war qoraal ah oo ka soo baxay Dowladda Mareykanka waxaa ay ugu hambalyeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya dadaalkeeda ku aadan horumarinta hanaanka dimoqraadiyadeed ee ku aadan dhismaha hay’adaha Dowladda,iyo qaabkii ay u dhacday doorashadii dalka ka dhacay dabayaaqadii 2016.

Warkan qoraalka ah oo ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibaddda ee Mareykanka ayaa lagu yiri” Mareykanka waxaa uu ku dhiiro gelinayaa dowladda Soomaaliya in ay sii wado dadaalkeedi ku aadan  horumarinta sharciyada muhiimka u ah dalka,kuwaasi oo horseedaya in doorasho qof iyo cod ah ka dhacdo Soomaaliya sanadka 2020.

Waxaa kamid ah waxyaabaha ay ka dhawaajisay Dowladda Mareykanka dib u eegista Dastuurka Dalka iyo dhismaha iyo tayeynta hay’adaha Dowladda,kuwaasi oo u adeegaya bulshada Soomaaliyeed.

Soomaaliya waa dal ka soo kabanaya qalalaaso muddo sanado ah ka jiray,wadada dimoqraadiyadda in la qaado waa wax adag,waxaan ku boorinaynaa dhamaan hogaamiyaasha Soomaalida in ay ka wada shaqeeyaan sidii dalka loo gaarsiin lahaa horumar iyo dhanka Dimoqraadiyadda ah iyo Dowlad nimada”, Ayaa lagu yiri qoraalkaasi.

Xukuumadda Washington ayaa sheegtay in ay garab taagan tahay Soomaaliya sidii ay mar kale cageheed isugu taagi lahayd,islamarkaana nabad iyo xasilooni waarta ka dhalata geyiga Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo furay Shirweynaha Labaad ee Qiimeynta iyo Kormeerka Qaran

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

Soomaaliya oo soo dhawaysay heshiiska Congo DRC iyo jabhadda M23

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhaweyneysaa saxiixa heshiiska Doha...

Hay’adda SoDMA oo daahfurtay geedi-socodka Ka-hortagga Masiibooyinka. 

Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo u maraysa Hay’adda Maareynta Masiibooyinka...

11 khawaarij ah oo lagu dilay howlgal ka dhacay nawaaxiga Xarardheere

Ciidamada Macaawisleyda ee ka howlgala degmada Xarardheere ayaa xalay...